Saturday, July 27, 2024

Madaxweyne Geelle oo xariga ka jaray safaaradda Jabuuti ee Nairobi

Nairobi (Dawan)- Madaxweyne Ismaaciil Cumar Geelle, ayaa xaariga ka jaray dhismaha cusub ee safaaradda Jabuuti ee magaalada Nairobi.

Munaasabadda xarig jarka waxa goob jooga ka ahaa wasiirka Arrimha Dibadda Jabuuti, Maxamuud Cali Yuusuf, safiirka Jabuuti u fadhiya Kenya iyo mas’uuliyiin kale oo ka socday labda dal.

Madaxweynaha Jabuutii ayaa hoosta ka xariiqay in safaaradda  Nairobi ay sii xoojin doonto  xiriirka labada dal, kana shaqeyn doonto horumarinta iskaashiga dhinacyada kala duwan ee ka dhexeeya Jabuuti Iyo Kenya.

Madaxweyne Geelle ayaa intaas ku daray in dowladdiisu ahmiyad gaar ah siinayso xiriirka iyo kor u qaadista diblomaasiyadda si loo ballaariyo dowladaha saaxibka la ah Jabuuti iyo iskaashigooda.

Dowladaha Jabuuti iyi Kenya ayaa leh xiriir soo jireen ah waxeyna iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, ganacsiga, amniga iyo siyaasadda.

Madaxweynaha Kenya, William Ruto ayaa sheegay bishii June ee lasoo dhaafay  in muwaadiniinta Jabuuti laga dhaafayo dal ku galka Kenya si ay kor loo qaado ganacsiga, meeshana looga saaro caqabadaha isku gooshidda muwaadiniinta labada dal.

Madaxweynaha Jabuuti ayaa Kenya u joogay maalmahaan ka qeyb galka shirkii ugu horreeyay ee cimilada Afrika, kaas oo looga hadlay u nuglaanshaha isbeddelka cimilada  qaaradda  Afrika iyo caalamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here