Muqdisho (Dawan) – Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, oo kaashanaya ciidamada deegaanka ee Macawisleyda, ayaa qabsaday deegaannada Masaajid Cali Gaduud iyo Geelgub ee Gobolka Shabeellaha Dhexe, kadib howlgalka “Duufaanta Aamusan,” oo laga fuliyey deegaanadaas.
Afhayeenka Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya ayaa xaqiijiyay in howlgalkaasi, oo deegannadaas Baryihii u dambeysay ka socday, uu maanta suuragashay in deegannadaas laga qabsado Al-Shabaab.
Afhayeenka ma uusan faahfaahin khasaaraha ka soo gaaray kooxda Al-Shabaab ee deegaanka laga qabsaday, isagoo sheegay in howlgallo ammaan sugid ah ay ka socdaan deegaanka.
Deegaanka Masaajid Cali Gaduud ayaa muhiimad weyn u leh gobolka Shabeellaha Dhexe, waxaana ku hirdamayey si joogto ah dowladda iyo Alshabaab xakameynta deegaankaas, wolow tan iyo bishii March ee sanadkan 2025 uu gacanta ugu jiray kooxda.
Howlgalka “Duufaanta Aamusan” ee dolwladda ay sheegtay inay ku wareegtay degaanka ayeey bartamihii bishan ku dhawaaqday , kaasoo ujeedkiisu yahay in si buuxda loola wareego deegaanada Al-Shabaab ka taliso, si loo xoojiyo nabadgelyada iyo xasiloonida dalka.
Intii uu socday howlgalka, waxaa lagu qabsaday degmooyin kale oo muhiim ah, sida Sabiid iyo Caanoole ee Gobolka Shabeellaha Hoose, iyadoo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Macawisleyda ay gacanta ku dhigeen gacan ku haynta deegaankaas.