Muqdisho (Dawan)- Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta u ambabaxay magaalada New York si ay uga qaybgalayaan Shirka Golaha loo dhan yahay ee Qaramada Midoobay.
Ra’iisul Wasaaraha ayaa ka hadli doona horumarradii ugu dambeeyey ee Dowladda Soomaaliya ka sameysay dhinaca amniga iyo xasilloonida, dhimista saboolnimada, Caafimaadka, Waxbarashada, Horumarinta Dhaqaalaha, Wax Soosaarka, Xuquuqda aadanaha, Caddaaladda, dhismaha hey’adaha dowliga ah iyo isbeddelka cimillada.
Ra’iisul Wasaaruhu inta uu ku sugan yahay xarunta Qaramada Midoobay wuxuu kulamo kala duwan la yeelan doonaa madax uu ugu horreeyo Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay iyo sidoo kale madax ka tirsan Dowladda Mareykanka.
Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre, wuxuu sidoo kale kulamo la yeelan doonaa Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan Mareykanka, kuwaas oo uu uga warrami doono guud ahaan xaaladda dalka, gaar ahaan guulaha dowladda iyo shacabka Soomaaliyeed ay ka gaareen dagaalka lagula jiro kooxda Al-shabaab iyo horumarka dhinacyada kala duwan ay ka sameysay muddadii sannadka ahayd ee ay jirtay.
Kalfadhiga 78-aad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay oo sannadkaan halku dhig looga dhigay ” Dib u dhiska kalsoonida iyo xoojinta midnimada caalamka” ayaa looga hadli doona dhwor qoodb oo ay ugu muhiimsanyihiin Horumarka waara, Abuurista fursado looga hortago dhibaatooyinka caalamka, wax ka qabshada isbeddelka cimilada iyo cudurada faafa.
Madaxda Caalamka ayaa ka jeedin doona Kalfadhiga khudbadahooda iyaga oo laga sugayo in ay soo bandhigaan sidii xal loogu heli lahaa dhibaatooyinka ku hor gudban bulshada Caalamka.
Sidii caadada ahayd tan iyo 1955-kii, Kalfadhigii tobnaad ee Golaha Guud ee Qaramada Midoobay, Brazil ayaa noqonaysa dalka ugu horreeya ee khudbad ka jeediya Golaha, waxaa ku xigi doona Maraykanka oo ah dalka martida loo yahay, kadibna waxa ku xiga dalalka kale oo khudbadahooda soo jeedin doona maalmaha uu shirku socdo.