Saturday, July 27, 2024

Qaramada Midoobay oo ka deyrisay xaaladda bini aadanimo ee Mali

Mali (Dawan)- Qaramada Midoobay ayaa ka deyrisay xaaladda bini aadanimo ee ka taagan dalka Mali, iyada oo sheegtay in 200,000 oo carruur ah ay gaajo ugu dhiman doonaan dhammaadka sanadkan, haddii aan gargaar la gaarsiinin.

Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan Carruurta ee UNICEF iyo Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay ayaa warbixin ay si wada jir ah u soo saareen ku sheegay in ku dhawaad ​​hal milyan oo carruur ah oo ay da’doodu ka yar tahay shan sano ay la kulmi karaan nafaqo-darro ba’an dhammaadka sannadkaan oo ay sabab u tahay colaadaha ka jira dalka Mali iyo howlgallada gargaar oo aad u yar.

Warbixinta ayaa intaas ku dartay in  2,500 oo qof oo ay ku jiraan carruur badan ay halis ugu jiraan macaluul gobolka Menaka ee waqooyiga dalka Mali.

Qaramada Midoobay aaya ku baaqday in  xal degdeg ah loo helo dhibaatada bini aadanimo ee ka taagan Mali, waxeyna ka digtay in haddii aan gargaarka loo baahan yahay la gaarsiin Mali, in ay gaajo u dhiman doonaan 200,000 oo carruur ah  dhammaadka 2023-ka

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobay ayaa dhawaan ku guul darreystay inuu cusbooneyso cuna qabateyntii saarneed  dalka Mali kadib markii Ruushku kaga hor tegay codka qayaxan taas oo kor usii qaadeysa xiriirka ciidamada xukuma Mali iyo dowladda Ruushka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here