Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya iyo Sacuudiga oo kawada hadlay iskaashiga amniga

Jeddah (Dawan)- Wasiirka Amniga Gudaha Soomaaliya, Maxamed Shiikh Axmed Cali (Doodishe) oo booqasho shaqo ku jooga Boqortooyada Sacuudi Carabiya ayaa la kulmay Wasiirka Arrimaha Gudaha ee dalkaas, Cabdicasiis bin Sacuud

Labada wasiir ayaa kawada hadlay xoojinta xiriirka soo jireenka ah, iskaashiga labada dal ee dhinaca amniga iyo dardargelinta dib u dhiska ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo dowladda Sacuudigu kaalin ka qaadaneyso.

Wasiir Doodishe ayaa sidoo kale booqday Xarunta Caalamiga ah ee la dagaalanka Fikirka Xag-jirnimada ee loo yaqaano Ictitaal, waxaana qaabilay Xoghayaha Guud ee Xarunta, Dr Mansour Al-Shammari.

Wasiirka ayaa madaxda Xarunta Ictidaal kala hadlay arrimaha la xiriira fikirka xag-jirnimada iyo qaababka ugu habboon ee la isaga kaashan karo sida looga hortegayo.

Sacuudiga iyo Soomaaliya ayaa wadaaga xiriir soo jireen ah, waxaana Sacuudiga lagu xasuustaa kaalinta ay ku lahayd dib u dhiska dowladnimada Soomaaliya iyo wax ka qabashada arrimaha bini aadantinimada.
Wafdiga wasiirka la socda, waxaa ka mid ah taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sareeye Guuto. Sulub Axmed Firin iyo mas’uuliyiin kale.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here