Friday, October 18, 2024

Xiriirka kubadda cagta oo soo saaray qodobo muhiim ah

Muqdisho (Dawan)- Shirka Guddiga Fulinta ee xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed oo seddexdi bilood ba mar dhaca ayaa lagu soo gabagabeeyay magaalada Muqdisho.
Shirkan oo ay goob joog ka ahaayeen dhammaan xubnaha Guddiga Fulinta ayaa looga dooday arrimo muhiim ah horumarinta kubbadda cagta dalka, waxaana laga soo saaray qodobadaan soo socda:

1- in kulanka Supper Cup-ka lagu qabto meel ka baxsan Muqdisho. Magaalada Baydhabo ee xarunta gobalka Bay ayaa nasiib u yeelatay in ay martigeliso kulanka dhex mari doona kooxaha Gaadiidka iyo Dekedda 1-da bisha December.

Tillaabadaan ayaa looga gol leeyahay in kubadda cagta lagu baahiyo dhammaan magaalooyinka iyo deegaanada dalka.
2- in la billaabo Horyaalladda kubbadda cagta ee Maamul Goboleedyada dalka isku mar sannad kasta, waxaana loo asteeyay bisha December

3- Horayaalka Soomaaliya ee loo yaqaano Somali Premier league ayaa la go’aamiyay in uu furmo 5-ta bisha December ee soo socota.

4- in Dalka Morocco noqdo guriga (home) xulka Soomaaliya. Qaranka Soomaaliya ee isku diyaarinaya isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2026 ayaa lagu xareyn doonaa Morocco maadama aysan Soomaaliya hadda u diyaarsaneyn in ay marti geliso kulamada ciyaaraha caalamiga ah.

5- Horyaalada heerka Qaran ayaa laga dhigay laba heer oo kaliya, waxaana meesha laga saaray heerki seddexaad ee loo aqoon jiray (Serie C).

6- in dib u eegis lagu sameeyo xeerka horyaalka Soomaaliya

Heerka kubadda cagta Soomaaliya ayaa kor usoo kacay sannadihii ugu dambeeyay, iyada oo shacabka Soomaaliyeed u wada riyaaqay guushii ay 17-da Soomaaliya kasoo hooyeen tartamadii ugu dambeeyay ee ay ka qeyb galeen iyo qaab ciyaareedkii ay soo bandhigeen.

Dhallinyarada Soomaaliyeed ee ku dhashay ama ku koray qurbaha ayaa billaabay in ay ku qancaan metelaadda Soomaaliya taas oo markii hore aad u cusleed iyada oo loo sababeynayo isbeddelka ka dhacay kubadda cagta iyo guud ahaan dalka.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta ayaa dhawaan u magacaabay Rachid Lousteque oo kasoo jeeda dalka Morocco Macallinka Xulka Qaraanka Soomaaliya, waxaana laga sugaya inuu xulka u diyaariyo ka qayb galka isreb-reebka koobka Adduunka ee 2026.

Soomaaliya ayaa gashay Group-ka G oo ay ku wada jiraan wadamada Algeria, Mozambique, Botswana, Guinea, iyo Uganda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here