Saturday, July 27, 2024

Rachid Lousteque: Kama laba-labeyn inaan Tababare u noqdo Qaranka Soomaaliya

Muqdisho (Dawn)-Tababaraha cusub ee dhawaan loo magacaabay xulka kubadda cagata Soomaaliya Rachid Lousteque, ayaa sheegay inuusan marnaba ka laba-labeyn qabashada xilka Macallinimada xulka Qaranka Soomaaliya

Wareysi uu dhawaan bixiyay ayuu ku sheegay inuu aqbalay fursaddaan loo soo bandhigay, isaga oo ku tilmaamay fursadddii ugu weyneed xirfaddiisa ciyaareed.

“Waqti dheer iguma qaadan, inaan aqbalo shaqadaan, kamana laba-labeyn” ayuu yiri, Rachid Lousteque

Rachid Lousteque, ayaa raaciyay “  suurtagal ma aha inaad si fudud u hesho fursad ah tababarid Qaran, sidaad  darteed markiiba waan aqbalay.”

Rachid Lousteque, ayaa ka mahadceliyay sida diirran ee loogu soo dhaweeyay Soomaaliya, wuxuuna ballan qaaday inuu shaqadiisa u gudan doono sida ugu wanaagsan, si  xulka kubadda cagta Soomaaliya uga qeyb qaato tartamada kubadda cagata ee kala duwan.

Xiriirka Soomaaliyeed ee kubbadda Cagta ayaa dhawaan u magacaabay Rachid Lousteque oo kasoo jeeda dalka Morocco macallinka xulka Qaraanka Soomaaliya, waxaana laga sugaya inuu xulka u diyaariyo ka qayb galka isreb-reebka koobka CHAN oo la qaban doono bisha September iyo isreeb-reebka koobka Adduunka ee 2026.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here