Friday, October 18, 2024

Kiiska Sheegoow: sharci mise arrimo siyaasadeed?

Muqdisho (Dawan)- Boqolaal qof ayaa maanta markale isagu soo baxay waddooyinka Muqdisho, si ay u muujiyaan dareenkooda iyo sida ay uga soo horjeedaan xariga iyo maxkamadeynta Sheegoow Axmed Cali.

Dadka isagau soo baxay mudaaharaadka ayaa aaminsan in xariga Sheegoow loo maray dariiq aan waafaqsaneyn sharciga, iyaga oo tilmaamay in xarigiisu uu salka ku hayo arrimo syaasadeed iyo mid qabiilled.

“Jeneraal Sheegoow waa sarkaal ka tirsanaa jiray ciidamada Qaranka, xarigiisana wuxuu ahaa mid sharci darro ah. Maanta, waxaan halkan u joognaa inaan taageero xooggan u muujinno isaga iyo dadka kale ee sida sharci darrada ah loo xiray,” ayuu yiri mid ka mid ah bannaanbaxayaasha.

Arintaan ayaa kusoo beegmeysa xili Sheegow iyo 17 qof oo ka mid ah ciidamadii lala soo qabtay ay dhawaan kasoo muuqdeen Maxkamada Ciidamada .

Sheegoow iyo ciidankiisa waxaa loo heystaa dhowr dembi oo ay ka mid yihii, dil, dhac, ka been sheegid jago dowladeed, lacag dhaqis, sameysashada dukumiintiyo been abuur ah, iyo falal kale oo amni darro ku ah magaalada Muqdisho.

Difaacayaasha Sheegoow iyo ciidamada kale ayaa gaashaanka u daruuray eedaha laga hor aqriyay Maxakamadda, iyaga oo dhankooda tilmaamay in lagula kacay xadgudbyo, waxeyna codsadeen in si degdeg ah dib loogu celiyo xorriyadooda

Guddoomiyaha Maxkamadda darajada koowaad ee Ciidamada Qalabka sida Gaashaanle sare Xasan Cali Nuur “Shuute” ayaa soo xiray dhegeysiga Maxkamadda, wuxuuna xusay in dib laga soo sheegi doono go’aanka Makamadda.

Booliska Soomaaliya ayaa soo xiray Sheegoow Xasan Cali iyo ciidankiisa bishii August, kadib markii iska hor imaad khasaara geystay dhaxmaray ciidanka uu hoggaamiyo Sheegoow iyo ciidanka xasilinta Muqdisho oo ka dhacay degmada Dharkeenley ee gobalka Banaadir.

Xariga Sheegow Axmed Cali iyo Ciidankiisa waxaa ka dhashay falcelinno kala duwan, iyadoo dadka qaarkood ay u arkaan in arrimo qabiil aysan ka marneyn kiiska.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here