Friday, July 26, 2024

Maxay ka shirayaan madaxda ku kulansan Dhuusamareeb?

Dhuusamareeb (Dawan)- Magaalada Dhuusamareeb maalmahaan waxey ku jirtaa xaalad degganaan iyo marti gelinta mid ka mid ah shirarkii ugu adkaa ee Golaha Wadatashaiga Qaran.

madaxdu waxey ka arrinsanayaan  qodobadaan soo socda:

  1. Howlgallada dib u xoreynta: Madaxdu waxa ay iska wareysanayaan qorshayaalka howlgallada dagaalka, deegaannada hortebinta leh, isla howlgalka ciidamada, abaabulka dadka deegaanka iyo faahfaahino dheeraad ah oo aad u xasaasi ah.
  2. Xasilinta deegaannada lala  wareego: Qeybtaan waxa ay diiraddaa saareysaa daadejinta adeegyada dowladda, dhismaha maamullada deegaanada iyo abuurista ciidanka deegaanka sida Booliska. Arrintaan ayaa ah mid hadda taagan oo inta badan deegaanno dowladdu la wareegtay oo ku yaalla Shabeellaha Dhexe, Hiiraan, Mudug iyo Galgaduud malaha qorshe xasilin oo kala dambeynta kusoo celiya deegaanadaan.
  3. Dib-u heshiisiinta bulshada : Ajendahaan oo ah mid markii ugu horreysay miiska la keenay ayaa ah casharro ay dowladdu ka baratay deegaanno ay Al-shabaab kala wareegtay, kadibna ay ka bilaawdeen dagaallo beeleedyo lagu hoobtay. Madaxda shirka ayaa arirnkaan xal u raadinaya, ka hor inta aysan  faraha ka bixin.
    Sidii caadiga ahaydba, shirka waxaan qeyb ka ahayn madaxweynaha maamul goboleedka  Puntland Siciid Cabdullaahi Deni oo khilaaf xooggan uu kala dhaxeeyo dowladda Federaalka iyo dowlad goboleedyada qaarkood.
    Marla la eego ajanadaha laga hadlaayo , Deni wax weyn kama quseeyaan oo duruufaha uu shirku diiradda saaraayo  kuma badna deegaanadiisa.
    Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhigtay magaalda Dhuusamreeb xarunta howlgallada ciidamada dagaalka kula jira xoogaga Al-shbabaab, waxayna u muuqata inuu maalmo kale sii joogi doono.

Kulankaan oo la filaayo in lasoo gabagabeeyo maalinta berri ah, waxey madaxda maamul gobleedyadau ku laaban doonaan maamuladooda, halka madaxweyne Xasan u jiheysan doono deeegaanada ay ciidamadu kala wareegeen xooga Al-shabaab maalmihii lasoo dhaafay.

Waxaa xusid mudan in shirkaanu yahay kii lixaad oo ay ku kulmaan madaxda dowladda dhexe iyo maamul goboleedyada , tan iyo markii la doortay madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud bishii May ee sannadkii 2022-ka

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here