Saturday, July 27, 2024

Premier Bank oo xarun cusub ka furay Baydhabo

Baydhabo (Dawan)- Bangiga Premier ayaa si rasmi ah u daahfuray xaruntiisa cusub ee magaalada Baydhaba, xarunta ku meel gaarka ah ee Dowlad Goboleedka Koofur Galbeed Soomaaliya.

Macaamiisha Premier Bank ee Baydhabo iyo deegaanada ku xeeran ayaa helaya dhammaan adeegyada bangiyeed ee casriga ah sida; Premier Mastercard, Wallet, noocyada kala duwan ee xisaabaadka, online banking iyo maalgelinta ganacsiyada, taas oo kor u qaadeysa heerka nolosha iyo koboca ganacsiga.

Guddoomiye ku xigeenka Premier Bank Maxamed Geedi Jimcaale ayaa sheegay in bangigu muhiimmad gaar ah siinayo deegaanada Koofur Galbeed, kaalin weyna ka qaadanayo horumarinta.

“Horay waxaan dalka ugu xirnay dunida, maantana waxaan billaabeynaa inaan Koofur Galbeed ku xirno dunida, innaga oo usoo dhaweynay adeegyo bangiyeed oo wax weyn ka bedelaya dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada.” ayuu yiri, Guddoomiye ku xigeenka Premier Bank

“Daadajenta adeegyadeena waxay bulshada gaarsiineysaa xorriyad maaliyadeed, waxayna meesha ka saareysaa in adeeg bangi dartiis loo safro ama howlo bulshda muhiim u ah u xayirmaan. Waxaan la nimid aragti caalami ah oo la jaanqaadeysa taagta bulshada oo dhiseysa dhaqaale maxalli ah” ayuu raaciyay.

Gudoomiye ku xigeenka 1-aad ee Baarlamaanka Koonfur Galbeed mudane Maxamed Nuur Maxamed Macalin oo munaasabadda xarig jarka ka hadlay ayaa bogaadiyay kaalinta Premier Bank iyo horumarinta deegaanada iyo casriyeynta adeeygyada bangiyeed.

“Waa tallaabo weyn oo aan u qaadnay dhanka isku filnaanta iyo hubinta in dhammaan adeegyada dadkeena u baahan yihiin ay deegaankooda ku heli karaan. Sannado kooban ka hor qofna kuma riyooneynin in ardayga Baydhaba deggan ee wax ka barta uu account uu halkaan ka furtay Mastercard ku sameysan karo oo uu isla markaas dunida wax uga iibsan karo” ayuu yiri Guddoomiye Maxamed.

Xarunta cusub ee Baydhabo ayaa noqoneysa tii saddexaad ee uu bangigu ka furo gobolka, kadib Muqdisho, Hargaysa iyo magaalooyinka waaweyn ee Kenya, taas oo muujineysa muhiimmadda uu bangigu siinayo bulshooyinka deegaanada Bariga iyo Geeska Afrika iyo sidii ay u heli lahaayeen adeegyo maaliyadeed oo dunida hormurasan la jaanqaadaya.

Premier Bank waa bangi ganacsi oo gaar loo leeyahay oo shati ka heysta  bangiga dhexe ee dalalka ugu waaweyn Bariga Afrika oo bixiya adeegyo maaliyadeed iyo mid Bangi.

Bangigu waxa uu xalal maaliyadeed oo dhammeystiran siiyaa macaamiisha oo ay ku jiraan shirkadaha gaarka loo leeyahay, hay’adaha dowliga ah, kuwa aan dowliga ahayn, shirkadaha waaweyn, shakhsiyaadka, ganacsiyada yar yar iyo kuwa waaweyn ee dalka.

Adeegyada uu Premier Bank bixiyo waxaa kamid ah:

Adeegyada bangi ee Shakhsiyaadka, ganacsatada iyo shirkadaha, Mobeelka iyo Internet-ka, Mashiinada ATM-ka, Lacag dirista gudaha, dibadda iyo SWIFT-ga, Wakiil bangiyeedka Iyo dirista lacagaha heer caalami.

Premier Bank , waxaa la aasaasay 2013, waa bangigii ugu horreeyay ee adeegyo bagiyeed oo digital ah ka hirgeliya dalka, isla markaana dalka ka hirgeliyay Mastercard. Waxa uu 62% iibsaday First Community Bank Kenya oo May 2023 loo bedelay Premier Bank Kenya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here