Thursday, September 19, 2024

Koofi: Go’aanka Maxkamaddu wuxuu garab istaagay xaqa

Muqdisho (Dawan)- Agaasimihii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale ayaa soo dhaweeyay go’aanka kasoo baxay maanta Maxkamadda Gobolka Banaadir ee lagu bari yeelay eedeysanayaal uu ka mid ahaa kuwaas oo loo haystay musuqmaasuq.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud todobo ka mid ah 12-ka eedeysane ayaa lagu waayay wax dambi ah, kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Agaasimayaashii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale (Kofi) iyo Cabduqaadir Cilmi Cali iyo Agaasimahii hore ee waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda, Muxudiin Xasan Jurus (Saabeey).

Koofi ayaa bartiisa Facebook kusoo qoray; ” Go’aankaani wuxuu garab istaagay xaqa, wuxuuna igu sii dhiiri gelinayaa xoojinta halganka aan ugu jiro difaaca qarankeyga, iyo u adeegidda dadkeyga Soomaaliyeed”

Agaasimihii hore ayaa tilmaamay in eedeymaha loo jeediyay ay ahaayeen qorshe lasoo abuubulay oo la rabay in looga hor istaago hammigiisa siyaasadeed ee ku aaddan u tartamidda madaxtinimada Dowlad Goboleedka Galmudug

Dhanka kale, waxa uu Koofi ku amaanay Madaxda Qaranka iyo Hay’adaha Garsoorkuba in aysan raali ka ahayn in la isku dulmiyo awoodda dowladnimada.

Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan kasoo saartay 12 eedeysane oo lagu eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne, been abuurka dukumiintiyo dowladeed, ku takri fal Xafiis dowladeed iyo qaadasho laaluush.

Eedeysanayaalka ayaa ka kala tirsan Wasaaradda Maaliyadda, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, xafiiska Hantidhowraha guud iyo Bangiga Dhexe.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here