Saturday, July 27, 2024

Xukunka 12 eedeysane oo loo haystay musuqmaasuq

Muqdisho (Dawan)- Maxkamadda Gobolka Banaadir ayaa maanta go’aan kasoo saartay 12 eedeysane oo lagu eedeeyay xatooyo xoolo dadweyne, been abuurka dukumiintiyo dowladeed, ku takri fal Xafiis dowladeed iyo qaadasho laaluush.

Eedeysanayaalka ayaa ka kala tirsan Wasaaradda Maaliyadda, Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda, xafiiska Hantidhowraha guud iyo Bangiga Dhexe.

Sida uu sheegay Guddoomiyaha Maxkamadda Gobolka Banaadir, Saalax Cali Maxamuud todobo ka mid ah 12-ka eedeysane wax dambi ah waa lagu waayay halka shanta kale lagu kala xukumay xabsi u dhaxeeya 2 ilaa 4 sano.

Eedeysanayasha lagu waayay wax dembi ah, waxaa ka mid ah Agaasimayaashii hore ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadda Maxamed Aadan Jimcaale (Kofi) iyo Cabduqaadir Cilmi Cali iyo Agaasimahii hore ee waaxda Canshuuraha Berriga ee Wasaaradda Maaliyadda, Muxudiin Xasan Jurus (Saabeey)

Maxkamadda ayaa sidoo kale fartay hay’adaha ay ka tirsanyihiin eedeysanayasha lagu waayay dambiyada in xuquuqdooda sharci dib loogu soo celiyo

Maxkamaddu waxey sheegtay in ciddii aan ku qanacsaneyn xukunka ay qaadan karto racfaan, muddada uu sharcigu u ogolyahay.

Eedeysanayaasha iyo xukunka

1- Maxamed Aadan Jimcaale Koofi= Agaasimhii hore  ee Socdaalka iyo Jinsiyadda= dembi la’aan

2- Cismaan Xasan Cosoble= Agaasime ku xigeenka Hay’adda Socdaalka= Dembi la’aan

3- Muxudiin Xasan Juris ‘Saabey’ = Agaasimihii Canshuuraadka Barriga ee Wasaaradda Maaliyadda= Dembi la’aan

4- C/raxmaan Cali Caadle= Agaasimhii Waaxda Dal kugalka Socdaalka iyo Jinsiyadda= 4 sano oo xarig ah iyo iyo inuusan xafsiis dowladeed qaban karin si joogta ah


5- Maxamed Ibraahim Axmed= Waaxda ajaanibta iyo fiisa kordhinta Hay’adda Socdaalka= 4 sano oo xabsi ah

6- Abuukar Xasan Aadan= Madax qeybeed Hay’adda Socdaalka= 4 sano oo xabsi ah

7- C/llaahi Daahir Wehliye=  Khasnajiga Bangiga Dhexe ee Xafiiska Garoonka= 3 sano oo xabsi ah iyo inuusan xafsiis dowladeed qaban karin si joogta ah.

8- Cabdalla Maxamed Axmed= Agaasimihii IT-ga ee xafiiska Hantidhowraha guud ee  Qaranka= Dembi la’aan

9- Cabduqaadir Cilmi Cali= Agaasimihii Socdaalka iyo Jinsiyadda= Dembi la’aan

10- Jacfar Maxamed Axmed= Agaasimihii waaxda dakhliga ee Wasaaradda Maaliyadda= Dembi la’aan

11- Cabdikaafi Xasan Maxamed=  Agaasimihii Maamulka & Maaliyadda ee Hay’adda Socdaalka iyo Jinsiyadada=

12-  Maxamed Xuseen Negeeye= Madaxii hore ee fiisaha Hay’adda Socdaalka= 2 sano oo xabsi ah

Eedeysanayaasha maanta la xukumay ayaa ka mid ahaa 25 eedeysane oo hore loogu eedeeyay lunsashada hanti dowladeed oo kor u dhaafeysa 21 Milyan oo doollar, waxaana ka dhashay kiiskooda culeysyo siyaasadeed, mid kooxeed  iyo  mid qabiil.

Hay’adaha Garsoorka ayaa u muuqda in ay ku guuleysteen ka gudbidda dhammaan culeysyadii soo foodsaaray muddadii uu soo jiitamayay kiiska musuqmaasuqa oo lagu tilmaamay mid ka mid ah kiisaskii ugu cuslaa ee soo mara dowladniamda Soomaaliya waayihii ugu dambeeyay.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa dhowr jeer ka sheegay fagaaro kala duwan,  sida ay uga go’antahay la dagaalanka musuq-maasuqa , wuxuna farrin adag u diray kuwa ku difaacaya eedeysanayaalka qaab ka baxsan sharciga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here