Saturday, July 27, 2024

Barnaamijka caymiska Caafimaadka bulshada oo laga daah furay Jig-jiga

Jig-jiga (Dawan)- Waxaa magaalada Jig-jiga ee caasimadda Dowlad Deegaanka Soomaalida laga daah furay Barnaamijka caymiska Caafimaadka Bulshada oo ka shaqeyn doona 7 degmo iyo 3 ismaamul magaalo.

Xaflad lagu qabtay Madasha Kulamada ee Hotel Lotus waxaa goob joog ka ahaa Madaxweynaha Dowlad Deegaanka Soomaalida, Mustafe Muxummed Cumar, Wasiir Dawlaha Wasaaradda Caafimaadka Itoobiya, Marwo Firihiwot Ababe, Wasiirka Xafiiska Caafimaadka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Muuse Axmed iyo mas’uuliyiin kale.

Barnaamijka caymiska Caafimaadka Bulshada ayaa lagu soo kordhiyay 10 goobood, waxaana la qorsheynaya in lasii ballaariyo.

Adeegga caymiska ayaa fududaynaya in dadka dabaqadoodu sarrayso iyo danyartu ay helaan adeeg siman oo caafimaad iyada oo bulshada laga qaadayo kharash aad u yar oo ah Degmooyinka 350 birr halka Magaalooyinkana laga qaadayo 510 birr sanndka oo dhan qoyski.

Adeegyada ay helayaan bulshada ka faa’iidaysan doonta adeeggaan caymiska Caafimaadka ayaa kala ah, adeegga daawaynta bukaan-socodka, adeegga daaweynta bukaan-jiifka, adeegyada qalliinka fudud iyo qaliinka culus, adeegga baadhitaanada , Raajitada, kumbuyuutarka iyo Iskaanka, adeegga daawada bukaannada iyo adeegga gudbinta bukaanka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here