Sunday, May 19, 2024

Saraakiil ka tirsan Booliska Soomaaliya oo tababar loogu soo xiray Jabuuti

Jabuuti (Dawan)- 94 sargaal oo ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliya ayaa tababar socday muddo hal bil iyo bar ah, loogu soo gabagabeeyay Dugsiga Tababarka Booliska ee Idiris Faarax ee dalka Jabuuti.

Tababarka ay saraakiishu qaateen ayaa isagu jiray qaabka looga shaqeeyo hormarinta xaaladaha amniga, xasilinta, xakameynta dadka, iyo taageeridda dadweynaha.

Saraakiishaan Booliska ah ayaa la filayaa in ay dib ugu soo laabtaan Soomaaliya, waxaana la geyn doonaa deegaano kala duwan oo dhawaan laga saaray kooxda Al-Shabaab, sida ay sheegeen mas’ulliyiinta Soomaaliyeed ee ka qeyb galay soo xiridda tababarka.

Munaasabadda xiritaanka tababarka waxaa goob joog ka ahaa Wasiirka Gaashaandhigga Jabuuti Xasan Cumar Maxamed, Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Sarreeye Guuto C/raxmaan Cali Kaahin, Saraakiil ka tirsan Ciidanka Booliska Soomaaliyeed oo uu horkacayay Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise.

Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise oo ka hadlay xiritaankii tababarka ayaa ku bogaadiyay Jabuuti doorka muhiimka ah ee ay ka qaadaneyso tababarka iyo qalabeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya, isaga oo sheegay taageerada Jabuuti ay ka marqaati kaceyso walaalnimada ka dhaxeysa laba shacab.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa dowladda Jabuuti, gaar ahaan Booliska, taageerada ay ka geystaan tababarka ciidamadeena, iyo dowladda Talyaaniga oo uga qeyb qaadatay Macallimiin xirfad leh iyo qalab,” ayuu yiri, Jeneraal Cabdullaahi Xasan Bariise

Jeneraalka ayaa intaas raaciyay in tababarada ay helaan Ciidanka Booliska ay qeyb weyn ka qaadatay nabadda iyo xasiloonida dalka.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti, Cabdiraxmaan Cali Kaahin, ayaa hoosta ka xarriiqay muhiimadda tababarkan kor loogu qaadayo aqoonta ciidamada Booliska Soomaaliya.

“Waa dufcaddii 19-aad ee Ciidamada Booliiska Soomaaliyeed kuwaas oo tababar xooggan oo kor loogu qaadayo tayada shaqada ku qaatay Jabuuti, waxaana iska kaashaday Booliska Jabuuti iyo Ciidanka Carabinieri ee Talyaaniga” ayuu yiri Taliye Kaahin.

Taliyaha ayaa ballan qaaday in ay sii wadi doonaan taageerada iyo tababarada muhiimka ah ee ay siiyaan Booliska Soomaaliya.

Arrintaan ayaa qayb ka ah dadaallada Jabuuti ay kaga qayb qaadanayso taabagelinta amniga iyo xasilloonida Geeska Afrika iyada oo loo marayo dhisidda awoodda Laamaha Amniga Soomaaliya.

Jabuuti iyo Soomaaliya waxaa ka dhaxeeya xiriir walaaltinimo waxa ayna iska kaashadaan dhinacyada Diblomaasiyadda, Amniga, Waxbarashada iyo Ganacsiga.

Jabuuti ayaa sidoo kale ka mid ah dalalka ay ciidamada nabad ilaalinta ka joogaan Soomaaliya, waxayna si firfircoon uga qayb qaataan dagaalka ka dhanka ah kooxda Al-Shabaab.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here