Saturday, July 27, 2024

In ka badan 60 tahriibayaal ah oo ku dhintay jasiiradda Cape Verde

Cape Verde (Dawan)-Hay’adda Socdaalka Adduunka ee IOM ayaa shaacisay dhimashada 63 qof kuwaas oo doon ay saarnaayeen kula degtay xeebaha jasiiradda Cape verde.

63 qof ayaa la rumeysan yahay inay dhinteen, markii doontii ay la socdeen kula degtay xeebaha jasiiradda Cape Verde” ayay tiri af-hayeenka hay’adda Socdaalka Adduunka, Safa Msehli oo warbaahinta la hadashay.

Safa ayaa intaas ku dartay in lasoo badbaadiyay  38 qof oo ay ku jiraan afar carruur ah, sidoo kalena la helay meydka 7 qof, halka weli la la’yahay 56 qof oo la rumeysan yahay inay geeriyoodeen.

Sida ay sheegeen qaar ka mid ah dadka lasoo badbaadiyay, doonta ayaa kasoo amba baxday dalka Senegaal bishii july ee dhamaatay, waxayna gaareysay tiradooda guud 101 qof.

Tirada tahriibayaalka ah ee naftooda halista gelinaaya si ay u gaaran  qaaradda Yurub ayaa kordhay bilihii lasoo dhaafay, sida ay sheeegeen ha’aydaha caalamiaga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here