Saturday, July 27, 2024

Adeega internet-ka ee 5G oo laga hirgeliyay DDS

Jig-jiga (Dawan)- Shirkadda isgaarsiinta Ethio-telecom ayaa si rasmi ah magaalada Jig-jiga uga  daah furtay adeega xawaaraha sare ee internetka 5G,  kaas oo fududaynaya isku xirka bulshada  deegaanka.

Madaxweyne ku-xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida, Ibraahim Cusmaan ayaa daah-furay adeegga xawaaraha sare ee 5G-ga kaas soo ay yeelanayso magaalada Jigjiga.

Munaasibadan lagu daah furaayay adeega xawaara sare 5G ayaa waxaa ka soo qaybgalay Wasiirka Xafiiska Madaxwaynaha Dr. Xuseen Xaashi, Duqa magaalada Jig-jiga, Maareeyaha Guud ee Shirkadda isgaadhsiinta Ethio-telecom iyo qaybaha kala duwan ee bulshada.

Madaxweyne ku xigeenka Dowlad Deegaanka Soomaalida ayaa sheegay in shacabka Dowlad Deegaanka ay yihiin kuwa aad u isticmala Tiknoolojiyadda, isaga oo hoosta ka xariiqay in adeegaan uu si weyn uga qeyb qaadan doono   heerka nolosha ee bulshada.

Sidoo kale madaxweyne ku xigeenka ayaa sheegay in baahi weyn loo qabay adeegga xawaaraha sare ee 5G-ga, sidas darteedna Caasimada Deegaanka Soomaalida ee Jigjiga noqotay magaaladi seddexaad ee heshay adeegan, isaga oo intaasi raaciyay in dowladdu ka shaqaynayso sidii loo fidin lahaa adeegga isgaadh-siinta ee Deegaanka Soomaalida.

Magaalada Jig-jiga waxaa si weyn looga dareemayaa diyaar garowga maalinta Qowmiyadaha iyo shucuubta  Itoobiya, iyadoo lagu soo bandhigayo mashaariic horumarineed oo dhowr ah, kuwaas oo  ka mid ah dhismaha waddooyinka laamiga ah si kor loogu qaado isku socodka gaadiidka iyo daah-furka internetka ee 5G ee horumarinta Tiknoolojiyadda, iyo mashaariicda Biyo-gelinta si wax looga qabto baahiyaha bulshada .

Itoobiya ayaa isku daygeedi ugu horeeyay ee ku aadan kubiiridda wadamada isticmaala adeega internet ka 5G-ga, ku dhawaaqday sannadii aan soo dhaafnay May-9-2022, waxeyna u muuqata in uu hirgalay maadaama lagu guuleystay in la gaarsiiyo magaalooyinka kala duwan ee dalka.

  Si kastaba Isticmaalka internetka ee  bulshada itoobiya ayaa   lagu qiyaasa inuu gaarayo kaliya  16% iyada oo Itoobiya lagu tilmaamo inay kamid tahy wadamada ugu liita dhanka   adeega internetka .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here