Saturday, July 27, 2024

Jaamacadda Carabta oo ku baaqday in Soomaaliya laga caawiyo daadadka ku dhuftay dalka

Qaahira (Dawan)- Jaamacadda Carabta ayaa maanta ugu baaqday dowladaha xubna ka ah, hay’adaha Carabta iyo kuwa caalamiga ah in ay la shaqeeyaan dowladda Soomaaliya si ay uga hortagto dhibaatooyinka ka dhalan kara fatahaadaha baaxadda leh ee ku dhuftaY dalka, isla markaana loo daboolo baahiyaha deg-degga ah ee ka jira Soomaaliya.

Warsaxaafadeed kasoo baxay ururka Jaamacadda Carabta ayaa lagu sheegay in ay aad uga walaacsan tahay xaaladda nololeed ee dadka Soomaaliyeed, kadib markii ay dowladdu ku dhawaaqday xaalad deg-deg ah iyo in loo baahanyahay gargaar deg-deg ah oo lagu taageero dadkii ay saameyntu kasoo gaartay fatahaadaha

Qoraalka ayaa digniin ka muujiyay xaaladda bini’aadantinimo ee ka dhalatay fatahaadaha ku dhuftay dhowr gobol, iyada oo ay ku dhinteen toboneeyo qof, halka ay ku barakaceen ku dhawaad 700,000 oo qof.

Sidoo kale, Jaamacadda Carabta ayaa bayaankeeda ku sheegtay inay si buuxda uga go’an tahay inay sii waddo doorka taageerada ah ee ay Soomaaliya ka siinayso geedi socodka dimoqraadiyadeed, midnimadeeda Qaran, iyo tillaabooyinka lagu xaqiijin karo himilooyinka iyo rabitaanka shacabkeeda.

Roobab mahiigaan ah ayaa ka da’ay inta badan Gobollada Soomaaliya isbuucyadii lasoo dhaafay, kadib dhowr bilood oo ay abaar ka jirtay dalka.

Fatahaadaha ayaa sababay burbur xooggan oo soo gaaray kaabayaasha dhaqaalaha.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here