Monday, May 20, 2024

Afar arrimood ka ogaaw Habraaca Ansixinta Wax ka beddelka Dastuurka

Muqdisho (Dawan)- Waxaa qoray Xildhibaan Burhaan Aadan Cumar oo ah Guddoomiyaha Guddiga Madaxabannaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka

Afar (4) Arrimood oo aad u baahantahay inaad ka oggaatid Habraaca Ansixinta Wax-kabeddelka Dastuurka

1. Ujeedka Habraaca Wax-ka-beddelka Dastuurka:

Habraaca Wax-ka-beddelka Dastuurka waa xeer-hoosaadka labada aqal ee Baarlamnaaka Federaalka Soomaaliya ee tilmaamaya hannaanka kulamada wadaagga ah ee labada aqal maadaama uusan jirin xeer-hoosaad maamulaya kulamada labada aqal ay wadaagaan.

2. Muxuu ka kooban yahay Habraacan?

Habraacan wuxuu nidaaminayaa doodda xildhibaanada oo ah inta xildhibaan kastaa uu fikradiisa ka dhiiban karo oo ah daqiiqadaha ku xusan xeer-hosaadka labada Aqal, shir-guddoonka kulamada wadajirka ah ee labada aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya iyo habraaca loo marayo ansixinta wax-ka-beddelka soo jeedimaha wax-ka-beddelka oo ah saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xildhibaanada Golaha Shacabka iyo saddex meelood labo meel (2/3) tirada guud ee xildhibaanada Aqalka Sare si waafqsan Qodobka 136 (1) ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah.

3. Habraaca Ansixinta Wax-kabeddelka Dastuurka ma waafaqsanyahay Dastuurka KMG ah?

Habraacan berito (24 January 2024 ) loo ballansanyahay waa habraaca waafaqsan cutubka 15-aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah, qodobka 57-aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo xeer-hoosaadyada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

4. Yaa awood u leh habraacan in uu soo saaro?

Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya ayaa awood u leh dejinta habraacaan iyo habraacyada kale ee hagaya hawlaha guddiyada isku dhafan iyo arrimaha dib-u-eegista Dastuurka si waafaqsan cutubka 6-aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah iyo xeer-hoosaadyada labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Berito Baarlamaanku ma ansixinayo nuxuurka wax ka beddelka Dastuurka ee wuxuu u ballansanyahay ansixinta habraaca iyo xeer-hoosaadka labada Aqal ee loo marayo wax ka beddelka Dastuurka oo waafaqsan cutubka 15-aad iyo qodobka 57-aad ee Dastuurka Kumeel Gaarka ah .

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here