Thursday, November 7, 2024

Muxuu yahay heshiiska Carabta ee dhigaya in la difaaco Soomaaliya?

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa booqasho shaqo ku tegay dalka Masar maalintii Sabtida ee ku beegneed 20-ka January 2024 kadib markii uu casuumad ka helay dhiggiisa Masar, Cabdifataax Al-siisi.

Labada Madaxweyne ayaa yeeshay kulan gaar ah oo ay uga wada hadleen xiriirka labada dal iyo xiisadda cusub ee ka taagan Gobolka Geeska Afrika kadib heshiiska Badda ee dhax maray Dowladda Itoobiya iyo Somaliland.

Inta la ogyahay, Heshiiska ayaa u ogolaanaya Itoobiya in ay hesho Deked iyo saldhig ciidan halka ay Somaliland ka heli doonto in loo aqoonsado Dowlad madax bannaan.

Madaxweynaha Masar, ayaa sheegay in Dowladdiisu aysan ogolaa doonin in la handado Soomaaliya ama wax loo dhimo madax bannaanideeda, waxa uuna tilmaamy in Soomaaliya ay ka mid tahay Ururka Jaamacadda Carabta sidaas darteedna ay xaq u leedahay in la difaaco sida uu qabo Axdiga Ururka.

Waa maxay heshiiska Carabta ee difaacaya Soomaaliya?

1950-kii, caasimadda Masar ee Qaahira, 7 waddan oo kala ahaa Masar, Urdun, Suuriya, Ciraaq, Sacuudi Carabiya, Lubnaan iyo Yemen, ayaa qalinka ku duugay “Heshiiska Wadajirka ah ee Difaaca iyo Iskaashiga Dhaqaalaha”, kadibna waxaa kusoo biiray heshiiska dhamaman Dowladaha Carabta (22) oo ay ka mid tahay Soomaaliya kadib markii ay ku biirtay Ururka Jaamacadda Carabta, sannadkii 1974.

Qodobada heshiiskan ayaa ka kooban 13 qodob, waxaana ugu muhiimsan qodobada soo socda;

  • Qodobka labaad ee Heshiiska waxa uu dhigaya in haddii lagu xad gudbo Dowlad ka mid ah Dowladaha saxiixay heshiiska in ay ka dhigantaahy xad lagu sameeyay dhamaan Dowladaha Carabta, sidaas dareedna ay ka dhalaneyso in loo fidiyo kaalmo kasta oo lagu difaacayo xitaa haddii ay noqoto hub iyo awood ciidan.
  • Sida ku cad qodobka seddexaad, Dowladaha saxiixay heshiiska waxa ay ka tashanaayan haddii codsi uga yimaado Dowlad ka mid ah Ururka , si looga difaaco wax kasta oo carqalad ku ah midnimadeeda dhuleed, madax bannaanideeda ama amnigeeda.
  • Haddii ay dhacdo khatar dagaal ama ay soo baxdo xasarad caalami ah oo degdeg ah oo khatarteeda laga baqayo, Dawladaha heshiiska galay waa in ay isla markiiba mideeyaan qorshahooda iyo dadaalkooda ku aaddan qaadista tallaabooyinka ka hortagga iyo difaaca ee loo baahanyahay, sida uu qabo isla qodobka seddexaad ee Heshiiska.

Ciidamada isku dhafka ah ee Carabta

Bishii March 29, 2015 Ururka Jaamacadda Carabta ayaa go’aamiyay in la ansixiyo fikrad uu soo jeediyay Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-siisi , taas oo ahayd in la la dhiso ciidamo isku dhaf ah oo ka kooban Dowladaha Carabta ah, kuwaas oo ka shaqeyn doona ilaalinta amniga iyo qaranimada Dowladaha Carabta.

Qaraar tirsigiisu ahaa 628 ayaa la soo saaray, waxaana la go’aamiyay in la diyaariyo hab-maamuus qoran, kaas oo ka kooban 12 qodob oo tilmaamaya shaqada ay qabanayaan ciidamada isku dhafka ah. Qodobka labaad ee qaraarkaas ayaa dhigaya;

  • In la sameeyo faragelin milatari oo degdeg ah si looga hortago falalka argagixisada iyo khataraha tooska ku ah amniga Carabta.
  • In laga qayb qaato hawlaha nabad ilaalinta ee Dowladaha xubnaha ka ah Ururka , si looga hortago inuu dillaaco dagaal, si loo hirgeliyo xabbad joojin ama heshiis nabadeed ama si looga caawiyo mid ka mid ah Dowladaha soo celinta xasiloonideeda, dhisidda iyo qalabaynta awooddeeda ciidan.
  • In laga qayb qaato sugidda amniga hawlaha gargaarka bini aadantinimo, ilaalinta dadka rayidka ah ee ku sugan goobaha halista ah, ilaalinta bad qabka marinada Dhulka, Badda iyo Cirka, iyada oo ay u jeedadu tahay sidii looga ilaali lahaa wadamada Carabta falalka Burcad-badeedda iyo argagixisada.
  • Golaha Difaaca Wadamada Carabtu waxa ay asixin karaan howlihi kale ee ay u arkaan lagama maarmaan.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in aysan jirin Dowlad awood u leh in dhulka dad kale xoog ku qaadato xilligan la joogo, isaga oo tusaale usoo qaatay sida Ruushku uusan weli uga libin keenin dagaalka uu ku qaaday Ukraine.

Mar uu sharraxayay istiraatiijiyada ay Soomaaliya uga hortegeyso tallaabada ay qaaday Itoobiya, waxa uu sheegay in Soomaaliya ay ka mid tahay Jaamcadda Carabta sidaasna ay ku yeelaneyso xaqa ah in ay hesho in la difaaco amnigeeda iyo madax bannaanideda.

“Soomaaliya waa xubin ka mid ah  Jaamacadda Carabta, waxayna  xaq u leedahay inay hesho taageero wadajir ah oo ay isku difaacdo” ayuu yiri, Madaxweyne Xasan

Madaxweyne Xasan ayaa intaas ku daray in uu ka codsaday Dowladda Masar in ay taageerto Soomaaliya ” Maadaama Masar ay tahay dalka ugu weyn dalalka Carabta, waxaan  ka codsaday in aan ka helno taageero  haddii loo baahdo”

Waxa uuna raaciyay “ Haddii ay Itoobiya joojin waydo tallaabooyikna waalida ah, waxaan u baahnaa doonaa taageerada cid kasta”

Dowladda Soomaaliya ayaa si adag uga hortimid heshiiska waxeyna ku tilmaamtay gar darro cad oo halis gelineysa deris wanaaga, nabad kuwada noolaanshaha iyo   xasiloonida Gobolka.

Itoobiya iyo Somaliland oo diiday go’aankii Jaamacadda Carabta

 Dowladda Itoobiya iyo Somaliland ayaa hore uga hor yimid go’aankii kasoo baxay shirkii Jaamcadda Carabta ee taageerada iyo garab istaaga loogu muujiyay Dowladda Soomaaliya sidoo kalena lagu diiday heshiiska ay wada galeen Itoobiya iyo Somaliland kowdii bishaan January.

Mesganu Arega oo ah Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Arrimaha Dibadda Itoobiya ayaa ku tilmaamay go’aanka kasoo baxay Jaamacadda Carabta isku day lagu faragelinayo arrimaha gudaha iyo madax-banaanida Itoobiya.

Si la mid ah sidaas ayay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland soo saartay War-saxaafadeed ay ku muujineyso diidmadeeda go’aankii Jaamacadda Carabta , iyada oo ku tilmaamtay ficil cadawtooyo oo ka dhan ah Somaliland.

Somaliland ayaa sannadkii 1991-kii ku dhawaaqday inay ka go’day Soomaaliya, ka dib markii uu dalku galay fowdo sababtay in ay dunto Dowladdii Dhexe ee uu hoggaaminayay Maxamed Siyaad Bare.

In kasta oo ay leedahay hay’ado maamul iyo lacag u gaar ah haddana madax bannaanida Somaliland aqoonsi kama helin beesha caalamka.

Dowladda Soomaaliya ayaa u muuqata in ay ku guuleysatay dagaalka diblomaasiyadda ilaa iyo hadda, iyada oo taageero buuxa ka heshyay Ururo caalami ah iyo inta badan Dowladaha daneeya Gobolka, inkasta oo ay adagtahay in la saadaaliyo dhamaadka ay yeelan doonto xiisaddan kusoo korortay Geeska Afrika.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here