Saturday, July 27, 2024

Africa… Qaaraddii abaaraha la dhibaneed oo markaan fatahaado la il-daran

Nairobi (Dawan)- Qaaradda Afrika oo la daalaa dhaceysay 40-kii sano ee lasoo dhaafay,  abaaro ba’an ayaa hadda wajahayesa dhibaato kale oo ka dhalatay roobabka xoogan ee keenay fatahaadaha galaaftay nolosha dad badan.

Wadamada bariga Afrika badankood  isku xaalad ayay ku jiraan xilligaan, inkasta oo dhibaatada ugu daran ay ka taagantahay dalalka kala ah Ethiopia, Kenya, Tanzania, Burundi iyo DR Congo.

Tanzania

Tanzania 155 ruux  ayay  fatahaaduhu galaafteen noloshooda,  halka 200,00  oo ruux  noloshooda  saameen taban  ay roobabaku ku yeesheen gudaha Tanzania, Sidoo kale  dhulbeereed baaxadiisu la egtahay 77,000 oo hectare ayaa gabi ahaanba baaba’ay gudaha Tanzania.  

Kenya

Dowladda Kenya waxa ay ku dhawaaqday in tirada ku dhimatay daadadka ka dhashay roobabkii ka da’ay gudaha Kenya labadii todobaad ee lasoo dhaafay ay gaartay 188 qof.

Dadka dhintay waxaa ka mid ah 37 carruur, iyada oo sidoo kale la la’yahay 90 qof.

Sida ay sheegtay dowladda Kenya, in ka badan 165,000 oo qof ayaa ka barakacay guryahoodi kuwaas oo u baahan gagaar bini aadantinomo.

Dhul beeraad lagu qiyaasay 30,000 oo hectare ayaa waxyeello soo gaartay, waxayna fatahaaduhu la tageen ku dhawaad 4,000 oo neef.

DR Congo

Jamhuuriyadda Dimoquraadiaga ah ee Congo,   10 ruux ayaa  u geeriyooday fatahaadaha iyo robabka xoogan ee dalkaas, waxaana jira khasaaro hantiyadeed oo ka dhashay fatahaadaha ku dhuftay qaar ka mid ah gobollada dalka.

Burundi

Dalka Burundi  100,00  oo ruux  dad kor u dhaafaya ayay roobabku saameen taban ku yeesheen noloshoda.

Ethiopia

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in 1.9 milyan oo Itoobiyaan ah ay halis ugu jiraan fatahaadaha ka dhashay roobabka xooggan ee dalkaas ka da’aya.

Soomaaliya

Sida laga soo xigtay xafiiska Qaramada Midoobay ee isku xirka arrimaha bini’aadantinimada, roobabka mahiigaanka ah ee la filaayo in ay da’aan bilaha April ilaa June waxa ay saameyn ku yeelan doonaan ku dhawaad 770,000 oo qof oo ku kala nool 22 degmo oo ka tirsan Soomaaliya.

Qaramada Midoobay waxay sheegtay in ay kala shaqeyneyso mas’uuliyiinta caafimaadka Soomaaliya dadaallada loogu jiro diyaar garowga wax looga qabanayo cudurada ka dhalan kara fatahaada, waxaana loo qorsheeyay lacag dhan $5.9 milyan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here