Saturday, July 27, 2024

M/W Xasan oo ka baaqday shir madaxeedka ururka iskaashiga Islaamka

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka baaqday ka qeyb galka shir madaxeedka ururka iskaashiga Islaamka oo maanta ka furmaya magaalada Banjul ee dalka Gambia.

Madaxtooyada Soomaaliya kama bixin wax faahfaahin ah sababta keentay in Madaxweyne Xasan ka baaqdo shirka ay isagu imaanayaan madaxda ururka iskaashiga Islaamka oo ah ururka labaad ee ugu weyn dunida marka laga soo tago Qaramada Midoobay, iyada oo ay xubin ka yihiin todoba iyo konton waddan.

“Shir Madaxeedka dalalka Islaamka oo saaka ka furmaya Banjul, waxaa horkacaya wafdiga Soomaaliya ee ka qeyb gelaya, Ra’iisal Wasaare ku xigeenka, Saalax Axmed Jaamac oo Wakiil ka ah Madaxweyne, Xasan Sheekh Maxamud” sidaas waxaa bartiisa Facebook kusoo qoray, Yuusuf Garaad oo ah Wasiirki hore ee arrimaha dibadda Soomaaliya haatan ka mid ah diblomaasiyiinta ku sugan shirka.

Shir madaxeedka OIC ayaa looga hadlaya sidii wax looga qaban lahaa Islaam naceybka, isbeddelka cimilada, cunto yarida iyo colaadaha ka jira gobolka.

Dagaalka ka socda Gaza iyo xaaladda Suudaan ayaa ka mid ah ajandaha shirka madaxda wadamada ururka iskaashiga Islaamka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here