Saturday, July 27, 2024

Agaasimihii hore ee madaxtooyada oo markale loo magacaabay xil cusub

Muqdisho (Dawan)- Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale xil u magacaabay agaasimihiisi hore ee Madaxtooyada Xuseen Sheekh Maxamuud, kaas oo bishii August ee lasoo dhaafay ka tegay shaqadii uu ka hayay Villa Somalia.

Qoraal kasoo baxay Madaxtooyada Soomaaliya ayaa lagu sheegay in Xuseen Sheekh Maxamuud loo magacaabay Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka.

“Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa u magacaabay Mudane Xuseen Sheekh Maxamuud in uu noqdo Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka oo ka mid ah arrimaha hortabinta u leh dowladnimada Soomaaliya” ayaa lagu yiri, qoraalka Madaxtooyada.

Qoraalku waxa uu intaas raaciyay in, Xuseen Sheekh Maxamuud uu ku takhasusay horumarinta dowladnimada iyo nabadda, isaga oo ka soo mid noqday Aqalka Sare ee Baarlamaanka dalka, sidoo kalena noqday Xoghaye Guud ee Guddiga Dhameystirka Dib u Eegista Dastuurka ee Labada Aqal ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya.

Lataliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Dastuurka, waxaa hore u ahaa Dr. Cabdiraxmaan Cabdullaahi Baadiyow.

Qaddiyadda Dastuurka Soomaaliya ayaa ka mid ah qaddiyaddaha ugu waaweyn ee dowlad dhiska Soomaaliya welina aan laga gaarin isfahan iyo heshiis dhamaystiran.

Xuseen Sheekh Maxamuud ayaa dhawaan faafiyay qoraal uu ugu magac daray “Dhameystirka Dib-u-Eegista Dastuurka KMG: Fursaddii ugu fiicnayd 12 sano ka dib” isaga oo ku caddeeyay qoraalka aragtidiisa ku aadan sidii looga bixi lahaa iska daba wareegga ka jira dhanka Dastuurka.

“Dastuur dhameystiran oo la isla oggol yahay ayaa ah aas-aaska dawladnimo dimuqraadi ah oo dib u heshiisiin ku dhisan” ayuu ku yiri Xuseen qoraalkiisa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here