Saturday, July 27, 2024

Akhriso khudbaddii M/W Xasan ee shirka isbeddelka cimilada COP28

Dubai (Dawan)- Halkaan hoose ka akhriso khudbaddii uu Madaxweyne Xasan Sheekh ka jeediyay furitaanka shirka isbeddelka cimilada COP28 ee ka socda dalka Imaaraadka Carabta.

Marwooyin iyo mudanayaal

  •  Waxa aan uga mahadcelinayaa, uguna hambalyaynayaa Dowladda Isutagga Imaaraatka Carabta martigelinta shirka COP28 ee isbeddelka cimilada ee Qaramada Midoobay. Kulankaan waxa uu leeyahay muhiimad aad u weyn maadaama aysan isbeddelku cimiladu lahayn xuduud gaar ah, ayna tahay mas’uuliyad aan dhammaanteen naga dhexeysa.
  •  Waxa aan ka hadlaynaa isbeddelka cimilada oo ah khatarta mustaqbalka; si kastaba ha ahaatee, Soomaaliya oo ah dal safka hore kaga jira saameynta xun ee ka dhalan karta dhacdooyinka cimilada ba’an, waa xaqiiqo aan la nool nahay.
  •  Hadda oo aan hortiinna taaganahay, dalkaygu waxa uu wajahayaa masiibo bini’aadantinimo taas oo aan si quus ah isugu dayeyno in aan wax ka qabanno, sababtoo ah daadad ba’an oo ka dhashay (El Niño).
  • Daadadkaan ayaa ilaa hadda saameeyay in ka badan 2.4 milyan oo qof, waxaana ku barakacay in ka badan 1.1 milyan, ayada oo ay ku naf waayeen 120 qof iyo kumannaan xoolo ah, sidoo kalena fatahaaduhu waxa ay burburiyeen 42,000 oo hektar oo dalag ah.

Marwooyin iyo mudanayaal,

  • Tani ma ahan dhacdo hal mar ah. Si aan u iftiiminno xajmiga isbedelka cimiladu ku yeeshay wadamada safka hore sida Soomaaliya, waa in aan xuso in dhibbaneyaasha maanta ee fatahaaduhu ay yihiin kuwii ka badbaaday abaarihii shalay.
  • Hal sano ka hor, Soomaaliya si dirqi ah ayay uga hortagtay macluul kaddib xilliyo roobaadyo si’ isdabajoog ah u baaqday.
  • Waxa maanta dalkayga ka socda ma ahan wax annaga gooni noo ah. Horumarka taban ee ka jira Soomaaliya waa qeyb kamid ah caqabadaha ay wadaagaan qaar badan oo kamid ah bulshooyinka beeraleyda-xoola-dhaqatada ah ee ku nool waddamada soo koraya.
  • Tobannaan milyan oo bulshooyin nugul ah oo ku nool dalalka ka hooseeya saxaraha Afrika ayay saameysay isbeddelka cimiladu, ayaga oo ay yar tahay waxa ay ku darsadeen wasakhowga hawada ee adduunka.
  • Waddamo badan oo Afrikaan ah, oo ay dowladuhu la halgamayaan dowlad-dhisis, argagixiso, culayska deynta, kheyraadka maaliyadeed oo xaddidan, saameynta isbeddelka cimiladu waxay u horseeday in la gaaro yoolalka horumar waara.
  •  Iyadoo aan sii wadno dagaalka guusha leh ee aan kula jirno argagixsada gudaha, jahawareerka cimilada ee soo noqnoqda ayaa mararka qaarkood hoos u dhigay hawlgalladeenii dagaalka ee xididada loogu siibayo argagixisada.
  • Waddan ladaalaadhacaya dhibaatooyinka deymaha iyo helitaan dhaqaale oo xaddidan, la dagaalanka argagixisada iyo ka jawaabista dhibaatooyinka bini’aadantinimo, waxa ay u muuqataa wax aan macquul ahayn.
  •  Qadiyadda Soomaaliya waxa ay si cad u muujinaysaa xiriirka cakiran ee ka dhexeeya isbeddelka cimilada, nabadda iyo amniga.

    Mudanayaal iyo Marwooyin,
  • Iyadoo ay jiraan caqabadahaas, Soomaaliya, iyo guud ahaan Afrika, oo oo hodon ku ah kheyraad kala duwan, hadana waxa ay dusha saaranayaan ballan qaadka ah mustaqbal barwaaqo ah iyo xallinta dhibaatooyinka cimilada.
  • Dalkaygu waxa uu leeyahay xeebta ugu dheer dhul waynaha Afrika, khayraad badan oo dabiici ah oo aan laga faa’iidaysan; dhul beereed baaxad leh, jawi ku fiican tamarta dib loo cusboonaysiin karo, ganacsi gaar ah oo kobcaya, xoog shaqaale oo dhalinyaro ah iyo maalgelin looga faa’iideysan karo ka qeyb qaadashada xalka saameynta isbedelka cimilada.

    Marwooyin iyo Mudanayaal,
  • Waxa aan dib u eegis ku samaynay oo aan wanaajinay hamigayaga cimilada ee ku jira tabarucaadka qaran ee go’aamiyay (NDC), waxa aan bixinay la qabsi qeexan iyo yoolal dhimis, waxana aana hadda ku haminaynaa in aanu hoos u dhigno 30% qiiqa aan hawada ku siidayno dhammaadka tobankan sano.
  •  Bartilmaameedyadayada cimilada waxaa lagu taageeray heerarka ugu sarreeya ee ballanqaadyada siyaasadeed. Qiyaasta maalgashiga loo baahan yahay si loo gaaro yoolalkaas ayaa ka badan $16 bilyan. Ka soo bixidda ballanqaadyadaan cimilada ayaa ka sarreeya awooddayada hadda.

Mudanayaal iyo Marwooyin,

  • Qorshayaasha hadda jira waxa ay ku guuldarraysteen in Koonfurta Adduunka la gaarsiiyo maalgelin macno leh oo ku filan wax ka qabashada isbaddelka cimilada, taas oo ku dhisan caddaalad, islamarkaana lagu magdhabayo khasaaraha iyo dhibaatooyinka ka dhashay isbaddelka cimilada iyo sidoo kale arrimaha kale ee muhiimka u ah cimilada.
  • Waxaan codkeena ku biirineynaa baaqa ku saabsan baahida in dib-u-habayn lagu sameeyo Hay’adaha Maaliyadda ee Caalamiga ah si loo hubiyo in si caddaalad ah, loo siman yahay oo macne leh loo helo maaliyadda iyo maalgashiga cimilada.
  • Waxaan ku biirineynaa codkeenna baaqa loo jeedinayo wadamada horumaray inay ixtiraamaan ballanqaadkooda ay siiyeen wadamada ay sida aadka ah u saameysay cimilada, gaar ahaan taageeridda hannaanka fulinta. Waxaan sidoo kale ugu baaqaynaa hoggaamiyeyaasha adduunka ee halkan isugu yimid inay ku heshiiyaan hirgelinta Sanduuqa Kabidda Khasaaraha ee lagu heshiiyey Sharm-el-Sheikh sannadkii hore.
  • Bartilmaameedka caalamiga ah ee 1.5 Degree wuxuu u muuqdaa mid aad uga fog waaqaca dhabta ah ee caalamiga ah. Waa in aan hubinno in aan sii wadno dardargelinta  hawlaha fulinta iyo ballan-qaadyadii lagu sameeyay shirarkii hore ee cimilada.
  • Soomaaliya iyo Afrika waa in aan loo arkin keliya dhibanayaasha isbeddelka cimilada; sidoo kalena waxaan ka qeyb qaadaneynaa xalka, si waafaqsan go’aankii ay Hoggaamiyeyaasha Afrika hoosta ugu xarriiqeen magaalada Nairobi, kaas oo ku saabsanaa Isbeddelka Cimilada iyo wax ka qabashadeeda.
  • Waa in aan helnaa xal ku dhisan sinnaan iyo caddaalad, shirweynahana waa inuu noqdo mid halbowle u ah abuurista adduun barwaaqo ah, cagaaran iyo caddaaladna ah.

Dhammaad

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here