Saturday, July 27, 2024

Geelle oo ku baaqay in loo midoobo wax ka qabashada isbeddelka cimilada

Dubai (Dawan)- Madaxweynaha Jabuuti, Ismaaciil Cumar Geelle oo khudbad ka jeediyay shirka caalamiga ah ee isbeddelka cimilada (COP28) ee ka socda dalka Imaaraadka Carabta ayaa sheegay in hoggaamiyaasha caalamka looga baahanyahay in wax ka qabtaan isbeddelka cimilada oo noqday mid ka mid ah dhibaatooyinka ugu waaweyn xilligaan la joogo.

Madaxweyne Geelle ayaa ku baaqay in lasii laba jibbaaro dadaallada wax looga qabanayo saameynta isbeddelka cimilada iyo kulaylka sii koraya ee caalamka, isaga oo dhinaca kale sheegay in loo baahanyahay in dalalka horumaray ay qaataan mas’uuliyadda ugu weyn ee wax looga qabanayo isbeddelka cimilada.

Geelle ayaa ka sheegay shirka dadaalka ay Jabuuti ugu jirto sidii loo dhimi lahaa qiiqa lagu sii daayo hawada, iyaada oo la dhisay Warshad dabeysha ka dhalisa korontada si loo helo tamar nadiif ah kana qeyb qaadata ilaalinta deegaanka.

Sidoo kale waxa uu xusay in ay sameeyeen hay’adda la socodka cimilada oo la kaashadeen hay’adda caalamiga ah ee Tamarta oo ka faa’iideysan doonaan dhamaan wadadmada Gobolka.

“Ma jirto cid ka baaqsan karta cawaaqibta isbeddelka cimilada” ayuu yiri Geelle

Dhanka kale, waxa uu dalalka horumaray ka codsaday in ay kasoo baxaan ballan qaadaydii maaliyaadeed ay hore u qaadeen si loo suurtageliyo waddamada nugul sida Jabuuti inay la qabsadaan cawaaqib xumada ka dhalan karta saameynta isbeddelka cimilada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here