Saturday, July 27, 2024

Deg-deg: Soomaaliya oo laga qaaday cunaqabateyntii hubka

New York (Dawan)- Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay ayaa u codeeyay in Soomaaliya laga qaado xayiraaddii iyo cunaqabateyntii hubka ee saarneed muddo ka badan 30 sano.

14 dowladood ayaa oggolaaday qaraarka Soomaaliya looga qaadayo cunaqabateynta hubka, halka Faransa oo kaliya ay ka aamustay.

Golaha Ammaanka ayaa sidoo kale u codeeyay in dib loogu celiyo cunaqabateynta hubka ee saaran kooxda Al-shabaab ee xiriirka la leh Al-Qaacida.

Go’aankaan ayaa soo afjaraya cunaqabateyntii hubka ee lagu soo rogay Soomaaliya sannadkii 1992-kii si loo joojiyo qulqulka hubka ee ay helayeen dagaal oogayaashii isku hayay maamulka, kuwaas oo xukunka ka tuuray, Madaxweynihii xilligaas, Maxamed Siyaad Barre.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay dadaalka ay ku bixisay dowladdu in la qaado cunaqabateynta hubka, faa’iidada ay u leedahay dowladnimada iyo halganka xoreynta dalka.

” Maanta waxaan rabaa inaan dadka Soomaaliyeed u sheego, dalka Soomaaliya dhammaan waa la qaaday cunaqabeyntii hubka. Dalkaynu waxa uu maanta xor u yahay inta ay awoodeyna la egtahay, hubkii aan rabno inaan soo iibsano” ayuu yiri, Madaxweyen Xasan.

Dowladeynu maanta waxa ay soo gaartay, meel naloo qiray dalka Soomaaliya inuu leeyahay dowlad mas’uul ah oo xakameyn karta hubka, ayuu madaxweynuhu raaciyay hadalkiisa.

War kooban oo kasoo baxay qoraal kasoo baxay xasfiiska La taliyaha Amniga Qaranka Soomaaliya, Xuseen Sheekh Cali, ayaa lagu yiri ” Soomaaliya waxay qaaday tillaabo taariikhi ah oo dhanka nabadda iyo horumarka ah. Waa guul weyn oo tilmaameysa waaga cusub ee dawladnimada”.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre ayaa soo ugu hambalyeyay shacabka Soomaaliyeed guusha taariikhiga kadib markii Golaha Amniga ee Qaramada Midoobay u codeeyay in Soomaaliya laga qaado cunaqabteynta hubka ee saarnayd dalka ilaa 1992.

“Waa go’aan taarikhi ah oo aan mudda dheer ka dhursugeynay, dadaal badana u galnay, Ilaahayna ugu dambeystii caawa inoo xaqiijiyay” ayuu yiri, Xamsa Cabdi Barre.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Soomaaliya ay hadda fursad u heleyso in ay si casri ah u qalabeyso ciidanka, iyada oo aysan jirin wax caqabad ah oo uga imaanaya dunida.

Xamsa ayaa sidoo kale xusay in ay dowladdu awood u yeelan doonto in ay ka adkaato kooxda Al-shabaaab maadaama laga qaaday xayiraddii hubka ee saarneed dalka muddo dheer.

Ka qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya ayaa kusoo beegmeysa isbuuc kadib markii Soomaaliya loo ogolaaday in ay ku biirto Ururka Bulshada Bariga Africa (EAC), iyada oo sidoo kale la rajeynayo in Soomaaliya laga cafiyo deyn gaareysa 5 billion oo doolar

Dowladda Soomaaliya ayaa muddo dheer dadaal ugu jirtay in laga qaado cunaqabateynta hubka si ay u xoojiso awooda iyo hubka ciidamadeeda dagaalka kula jira kooxda Al-shabaab, iyada oo la billaabay in qeyb ahaan laga qaado sannadkii 2013-ki

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa todobaadkii hore ka horsheegay Labada Gole ee Baarlamaanka in Soomaaliya ay heysato kaliya hal sano sidii ay Al-shabaab uga saari lahayd dalka maadaama ciidamada nabad ilaalinta Africa ee ATMIS ay dalka ka baxayaan dhammaadka sannadka 2024

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here