Saturday, July 27, 2024

Al-azhar oo ka caawineysa Soomaaliya ka hortagga fikirka xag-jirka ah

Qaahira (Dawan)-Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta saree e Soomaaliya Faaraxa Sheekh Cabdulqaadir oo maalmahaan booqasho ku jooga magaalada Qaahira ee dalka Masar ayaa la kulmay Sheekhul Azhar Al-Shariif, Dr. Axmed Al-Dayib.

Wasiirka iyo Sheekha ayaa kawada hadalay sidii kor loogu qaadi lahaa taageeridda dhanka waxbarasho ee jaamacadda Al-azhar siiso Soomaaliya.

Dr Axmed ayaa xusay xiriiraka taariikhiga ah ka dhaxeeya shacabka Soomaaliyeed iyo jaamacadda Al-azhar, kaas oo soo billaawday xilli hore.

 “Hadda waxaa Al-azhar wax ka barta ku dhwaad 1,200, oo arday Soomaaliyeed ah, waxeyna wax ka kala bartaan qeybaha kala duwan ee Al-azhar laga soo billaabo xannaanada ilaa heerka saree e Jaamacadda” ayuu yiri Sheekhul Azhar.

Sheekha ayaa intaas ku daray inay Soomaaliya usoo direen 26 macallin kuwaas oo ka dhiga dusgiyada Soomaaliya luqadda Carabiga iyo culuumta Islaamiga ah.

Sheekha ayaa ballan qaaday in Al-azhar diyaar u tahay inay Soomaaliya ka caawiso la dagaalanka iyo ka hortagga fikirka xag-jirka ah, iyada oo u diyaarisay manhaj iyo tababarro loogu tala galay in la siiyo imaamyada masaajidda iyo culumada Soomaaliyeed.

Wasiir Faarax Sheekh ayaa ka mahadceliayay garab istaagga Al-azhar , isagoo ammaanay  dadaalka ballaaran ee ay ugu jirto faafinta muuqaalka saxda ah ee diinta Islaamka, iyo ka hortagga fikirka  xag-jirka ah ee dhibaatada ku haaya guud ahaan dunida.

Jaamacadda Al-azhar, waxaa wax kasoo baraty dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo kaalin weyn kasoo qeyb qaatay barista  diinta islaamka, waxaana ka mid ahaa Sheekh Maxamed Macallin oo caan ka ah guu ahaan dhulka Soomaaliyeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here