Saturday, July 27, 2024

Iskaashiga ganacsi ee Itoobiya iyo Imaaraadka oo xowli ku socda (warbixin)

Addis Ababa (Dawan)- Iskaashiga dhinacyada  ganacsiga, dhaqaalaha iyo siyaasadda  ee ka dhaxeeya dowladaha Itoobiya iyo Imaaraadka Carabta ayaa xowli ku socda sannadihii lasoo dhaafay, waxaana la arkaayay booqashooyinka ay is dhaafsanayeen  madaxda labada dal iyo heshiisyada waaweyn ee ay kala saxiixdeen.

Madaxweynaha Imaaraadka Carabta Sheekh Maxamed bin Zayed ayaa booqasho rasmi ku tegay Jimacadii  dalka Itoobiya, iyada oo ujeedka safarkiisa lagu sheegay sii xoojinta iskaashiga ganacsi ee labada dal.

Booqashadan ayaa ku soo beegantay xilli xiriirka ganacsi iyo dhaqaale ee u dhexeeya Imaaraadka Carabta iyo Itoobiya uu ku yimid kor u kac sannadihii lasoo dhaafay.

Waxaan ku soo dhaweynayaa walaalkey ahna saaxiibkeyga qaaliga ah Skeekh Maxamaed bin Zayed Itoobiya.  Xiriirka sii kobcaaya ee labadeena dal waxa uu ku qotomaa is ixtiraam  iyo aragti wadaag  ku wajahan horumarka labada dal” ayuu bartiisa X kusoo qoray ra’iisal wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.

Dhankiisa , madaxweynaha Imaaraadka ayaa isaguna muujiyay sida uu ugu faraxsanyahay booqashada Itoobiya iyo heerka uu gaaray iskaashiga labada dal, wuxuuna yiri “ Waxaan ku faraxsanahay in aan Addis Ababa kula kulmo saaxiibkey Abiy Axmed. Waxaan ka wada hadalnay xoojinta xiriirka Imaaraadka iyo Itoobiya ee dhinacyada ganacsiga, dhaqaalaha iyo ka mira dhalinta himilooyinka horumarineed ee danta u ah labada shacab”.

Imaaraadka  ayaa ah dowladda labaad ee ganacsiga ugu badan ay is dhaafsadaan Itoobiya, waxaana la sheegay in isweydaarsiga labada dowoladood kor u kacay in ka badan 7 jeer tan iyo 2008.

Ganacsiga ay dhaafsadeen labada dal sannadkii lasoo dhaafay ayaa lagu qiyaasay lacag gaareysa hal bilyan iyo 400, oo milyan oo doollarka Maraykanka ah.

Dowladda Imaaraadka Carabta ayaa sannadihii lasoo dhaafay ka fulisay Itoobiya mashaaric horumarineed oo ka badan 2.9 bilyan oo doollar, iyada oo maalgelisay  warshadaha dawooyinka, beeraha, waxbarashada. iyo macdanta.

Imaaraadka ayaa sidoo kale ugu deeqday Itoobiya kaalmo gaareysa 5.05 bilyan oo dollar, taas oo loogu talagalay in wax looga qabto xasiloonada iyo horumrinta deegaanada Itoobiya.

Labada dowladood ayaa kala saxiixday heshiisyo kala duwan kuwaas oo kor loogu qaadaayay xoojinta iyo iskaashiga ganacsiga , waxaana ka mid ahaa heshiisyada  ay kala saxiixdeen iskaashiga dhinacyada maalgashiga, warshadaha iyo tiknoolajiyada casriga ah, caymiska, la dagaalanka argagixisada, wax ka qabashada isbeddelka cimilada iyo qaar kale.

Sida ay sheegatay wakaaladda wararka Imaartaadka Carabta ee WAM,  xiriiirka labada dwoladood ayaa soo billawday xilligii Sheekh Zayed bin Suldaan iyo Meles Zenawi, iyada oo safaraadda Imaaraadka ee Addis Ababa la furay 2010, halka Itoobiyana ay furatay safaaraddeeda sannadkii 2014.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here