Saturday, July 27, 2024

Al-Azhar oo kordhineysa Deeqa Waxbarasho ee ay siiso Jabuuti

Qaahira (Dawan)- Imaamka weyn ee hoggaamiya Jaamacadda Al-Azhar, Dr Axmed Al-Dayib, ayaa sheegay in Jaamacaddu diyaar u tahay in ay kordhiso Deeqa Waxbarasho ee la siiyo ardayda dalka Jabuuti iyo Macallimiinta loo diro si ay uga qeyb qaataan kor u qaadista Waxbarashada dalkaas.

Imaamka ayaa ballan qaaday in Al-Azhar kor u qaadi doonto kaalmaha waxbarasho ee la siiyo guud ahaan Africa gaar haana dalka Jabuuti, kadib markii uu kulan la qaatay Danjiraha cusub ee Masar u qaabilsan Jabuuti, Khaalid Al-shaadali.

“Al-Azhar waxey sannadkii siisa Jabuuti Deeq Waxbarasho oo gaareysaa ilaa 15 laakin hadda waa la kordhinaya Deeqdaas Waxbarasho, si loo siyaadiyo fursadaha ardayda Jabuuti ay ka heli karaan Jaamcadda Al-Azhar” ayuu yiri Sheekhul Azhar.

Sheekha ayaa sidoo kale sheegay in la kordhin doono Macallimminta ay Azhar u dirto Jabuuti si ay uga qeyb qaataan baridda diinta iyo culuumta islaamka.

Danjiraha Masar ee Jabuuti ayaa uga mahadceliyay Sheekhul Azhar kordhinta Deeqaha Waxbarasho ee la siiyo Jabuuti, wuxuuna ballan qaaday inuu ka shaqeyn doono xoojinta xiriirka labada dal gaar ahaan arrimaha waxbarashada iyo dhaqanka.

Dhanka kale, Safiirka Jabuuti u fadhiya dalka Masar ahna wakiilka Jaamcadda Carabta, Axmed Cali Barre ayaa kala hadlay  Guddoomiyaha Jaamacadda Qaahira, Dr. Maxamed Cismaan dardargelinta iskaashiga laba geesoodka ah ee ka dhaxeeya Jaamacadaha Qaahira iyo Jabuuri ee dhinacyada Waxbaraashada, cilmi baarista iyo dhaqanka.

Kulanka ayaa sidoo kale lagu lafa guray sidii labada Jaamcadood isaga kaashan lahaayeen takhasusyada kala duwan ee caafimaadka, Injeernimada, Luqadaha, Dhaqaalaha, Qaanuunka, Cilmiga siayaasadda  iyo isweydaarsiga khibradaha

Guddoomiyaha Jaamcadda Qaahira ayaa sheegay in ay soo dhaweynayaan ardayda dooneysa in ay waxbarashadooda sare kasii waataan Jaamacadda, isaga oo xusay inay ahmiyad gaar ah siinayaan ardayda kasoo jeeda dalalka Africa.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here