Saturday, July 27, 2024

Al-Sisi oo marki 3-aad ku guuleystay madaxtinimada Masar

Qaahira (Dawan)- Guddiga Doorashooyinka Masar ayaa ku dhawaaqay in Cabdifataax Al-Sisi uu markii seddexaad ku guuleystay madaxtinimada dalkaas kadib markii uu helay 89.6% codadkii la dhiibtay.

Al-Sisi ayaa xilka hayn doona ilaa laga gaaro 2030-ka kadib markii mudda xileedka Madaxweynaha Masar laga dhigay 6 sano.

Murashaxiinta xilka Madaxweyne

Madaxtinimada Masar, waxaa isu soo taagay afar murashax oo kala ah: Madaxweynaha hadda Cabdifataax Al-Sisi, Guddoomiyaha Xisbiga Jamhuuriga Xaazm Cumar, Guddoomiyaha Xisbiga Wafd Cabdisanad Yamaama iyo Guddoomiyaha Xisbiga Dimuqraadiga Masar Fariid Zahraan.

Cabdifataax El-sisi

El-sisi (68 jir) waxa uu ahaa Wasiirka Gaashaandhigga intii u dhaxaysay 2012 ilaa 2013 iyo Agaasimaha Sirdoonka iyo Sahanka Milliteriga intii u dhaxaysay 2010 ilaa 2012.

Waxa uu iska casilay ciidamada qalabka sida sannadkii 2014-kii si uu ugu tartamo xilka madaxweynaha, isaga oo noqday madaxweynihii sideedaad ee Masar.

Mar labaad ayaa loo doortay Madaxweyne 2018-kii, hadana waa markii 3-aad uu ku guuleysto xilka ugu sarreya dalka Masar.

Fariid Zahraan

Zahraan (66 jir) wuxuu madax ka yahay xisbiga Social Democratic Party ee Masar, kaas oo la aas-aasay Janaayo 25, 2011.

Xisbigu waxa uu u ololeeya mabaadi’ ay ka mid yihiin cadaaladda bulshada, waddaniyadda, nabad-gelyada iyo u hoggaansamidda sharciga.

Zahraan waxa uu taariikh dheer ku leeyahay samaynta dhaqdhaqaaqyo siyaasadeed iyo isbahaysiyo kuwaas oo ay ka mid yihiin dhaqdhaqaaqii ardayda ee 1970-meeyadii, Dhaqdhaqaaqii Isbeddelka ee Masar (Kifaya), oo ka soo horjeeday xukunkii Madaxweynihii hore ee Masar Xusni Mubaarak tan iyo 2004-tii, iyo dhaqdhaqaaqa Dimuqraadiga Rayidka, oo la sameeyay 2017 si loo taageero dimuqraadiyadda iyo cadaaladda bulshada.

Cabdisanad Yamaama

Yamaama (71 jir) oo ah qareen iyo professor sharciga caalamiga ah, waa musharaxa xisbiga Wafdi, xisbiga ugu faca weyn ee Masar.
Yamaama ayaa doorashada ku galay ballan qaad ah in mudda xileedka Madaxweynaha uu ka dhigi doono 4 sano iyada oo qofku noqon kariyo Madaxweyne kaliya laba jeer.

Xaazem Cumar

Xaazem Cumar oo hore u ahaa madaxii hore ee guddiga arrimaha dibadda ee golaha wakiilada Masar, sidoo kalena ah guddoomiyaha xisbiga Jamhuuriga, ayaa ah musharraxa ugu da’da yar tartanka, isagoo 59 jir ah.

Xaazem waa ganacsade isu rogay siyaasi waxa uuna diiradda ku saaray ololihiisa in uu mudnaan gaar ah siiynayo sidii uu dib u habeyn ugu sameyn lahaa qeybaha ganacsiga, caafimaadka iyo waxbarashada.

Sidoo kale, waxa uu ballan qaaday inuu wax ka qaban doono arrimaha dhaqaalaha iyo sicir bararka ka jira dalkaas.

Sidee loo kala helay codadka?

10-12-kii bishaan December waxaa dalka Masar ka dhacay doorashooyinka Madaxtinimo, iyada oo ay kormeerayeen 15,000 oo garsoorayaal ah, halka Masaarida dibadda ku nool ay ka codeeyeen 121 dal inta u dhaxeysay 1-dii illaa 3-dii bishaan. .

Wakaaladda Wararka Masar oo soo xiganaysa Guddoomiyaha Guddiga Doorashooyinka, ayaa sheegtay in 44 milyan oo qof ay codkooda dhiibteen iyada oo dadka xaq u leh in ay codeeyaan ay gaarayaan 67 milyan taas oo ka dhigan in heerka codeyntu gaartay 66%.

Madaxweynaha hadda talada haya Cabdifataax El-Sisi ayaa helay 39,702,451 cod taas oo ka dhigan 89.6% tirada guud ee codadka la dhiibtay.

Murashaaxa Xaazem Cumar ayaa helay 1,986,352 cod, taas oo u dhiganta 4.5 %.

Fariid Zahraan ayaa helay 1,776,952 cod oo uu dhiganta 4 %
Cabdisanad Yamaama oo kaalinta ugu hooseysa galay ayaa helay 822,606 cod, oo u dhiganta 1.9 % wadarta codadka saxda ah.

Guddiga Doorashooyinka ayaa sheegay in Cabditafaax Al-Sisi noqon doono Madaxweynaha Masara ee lixda sano ee soo socota iyada oo mudda xileedka cusub u billaaban doono sanndka cusub.

Hambalyada Madaxda Caalamka

Ku dhawaaqista natiijada ka dib, Al-Sisi ayaa ka helay Madaxda dhiggiisa ah hambalyo ku aadan guushiisa iyo qaabki ay u dhacday doorashooyinka dalkaas, waxaana ka mid ahaa Madaxdaas Madaxweynaha Imaaraadka, Sheekh Maxamed bin Zayed, Madaxweynaha Falastiin, Maxamuud Cabaas, iyo qaar kale oo isagu jira Carab, Afrikaan iyo dunida kale.

Waa markii saddexaad ee Madaxweyne Al-Sisi uu xilka qabto tan iyo sannadkii 2014-kii, isaga oo xilka hayay muddadii u dhexeysay 2014-2018 iyo doorashadiisi labaad ee sannadkii 2018-kii illaa 2024-kii.

Al-Sisi ayaa mudda xileedka Madaxweynaha oo ahaa 4 sano ka dhigay 6 sano, kadib markii uu isbeddel ku sameeyay Dastuurka dalka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here