Saturday, July 27, 2024

Aqalka Sare oo iska fogeeyay inuu qeyb ka ahaa buuqii Baarlamaanka

Muqdisho (Dawan)- Golaha Aqalka Sare ayaa warsaxaafadeed kasoo saaray buuqii maanta ka dhacay Fadhiga Labada Gole ee Baarlamaanka Soomaaliya taas oo sababtay in uu qabsoomi waayo kulankii lagu ballansanaa ee Xeerka Qoondada Miisaaniyadda 2024-ka iyo Xisaab xirka Sanad Maaliyadeedkii 2022-ka.

Qoraalka ayaa lagu yiri ” Golaha Aqalka Sare oo ka duulaya 𝐪𝐨𝐝𝐨𝐛𝐤𝐚 𝟓𝟔-𝐚𝐚𝐝 xarafka (𝐚) oo qeexaya in ay Labada Aqal u gutaan si wadajir hawlaha ay waddagaan, wuxuu howlo shaqo u tegay Xarunta Golaha Shacabka Villa Hargeysa, balse, nasiib darro waxaa halkaas ka dhacay dhacdo aan ku habboonayn maqaamka iyo milgaha Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya”.

Golaha ayaa iska fogeeyay inuu qeyb ka ahaa buuqii maanta hareeyay kulanka Labada Gole, waxa uuna ku baaqay in xal deg-deg ah laga gaaro wixii dhacay.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Sheekh Aadan Madoobe ayaa ka maqnaa kulanka waxaana lagu waday inuu shir guddoomiyo kulankii maanta Guddoomiyaha Aqlka Sare, Cabdi Xaashi Cabdullaahi kaas oo sheegay in aan laga doodi karin ajandayaasha kulanka maadaama uu jiro buuq ay samanayaan qaar ka mid ah xildhibaanada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here