Saturday, July 27, 2024

Somaliland oo ka hortimid ka qaadista cunaqabateynta hubka ee Soomaaliya

Hargeysa (Dawan)- Somaliland ayaa ka hor timid go’aankii Golaha Ammaanka Qaramada Midoobay ee cunaqabateyntii huba looga qaaday Soomaaliya, iyada oo walaac xooggan ka muujisay cawaaqibta ka dhalan karta go’aankaas.

Bayaan kasoo baxay Wasaaradda arrimaha dibadda Somaliland ayaa lagu caddeeyay sida ay Somaliland uga soo horjeeddo go’aanka Qaramada Midoobay, waxaana lagu sheegay in dagaalladii sokeeye ee Soomaaliya ka dhacay in ay ku naf waayeen in ka badan 200,000 oo kasoo jeeda Somaliland.

“Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland waxay walaac xooggan ka muujinaysaa isla markaana si weyn uga soo horjeedda cuna qabataynta hubka ee laga qaaday Soomaaliya, taasoo golaha ammaanka ee qaramada midoobay ku soo saaray qaraarka tirsigiisu ahaa 733(1992)” ayaa lagu yiri, bayaanka.

Waxa aanu aaminsan nahay in qaadista cuna qabtaynta hubku ay halis ku tahay mandaqadda geesta Afrika iyo guud ahaan caalamka” ayaa la raaciyay.

Bayaanka Wasaaradda ayaa hoosta ka xaqiiqay in go’aankaan uu kor u qaadayo welwelka weyn ee ku saabsan suurtagalnimada ah in hubka loo weeciyo kooxaha argagixisada iyo kuwa xagjirka ah, taas oo halis ku noqoneysa xasilloonida gobolka.

“Soo if-baxa Kooxaha malleeshiyaadka ah sida kuwa Laascaanood ee la safan kooxaha xagjirka ah, waxa ay muujinaysaa khatar cad oo ka jirta gobolka. Qaadista cuna qabtaynt hubkuna waxa ay sii hurin kartaa kooxahaan, waxaanay khatar galinaysaa ammaanka iyo inay uga sii darto dhibaatooyinka banii aadannimo ee hadda jira”. ayaa lagu sheegay bayaanka

Somaliland, ayaa u soo jeedisay Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobay inay si qoto dheer uga fiirsadaan dhibaatada culus ee ka dhalan karta qaadista cunaqabtaynta hubka, isla markaana ay sameeyaan hannaan lagu daba galayo laguna ilaalinayo in aan hubku gacanta u galin kooxo aan qaadi karin mas’uuliyadda hubka.

Somaliland ayaa baadi goob ugu jirtay in ay aqoonsi ka hesho caalamka in ka badan 30 sano, waxeyna ku guuleysatay in ay qabato doorashooyin kala duwan kuwaaas oo ay ku dooneysay in ay caalamka uga hesho in loo aqoonsado dowlad ka madax bannaan Soomaaliya.

11 sano ayaa laga joogaa markii dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Somaliland uu dhexmaray wada hadalkii ugu horeeyay kadib ku dhawaaqistii gooni isku taaga Somaliland oo hada laga joogo 32 sano.

Madaxweynae Xasan Sheekh ayaa magcaabay ergay qaabilsan arrimaha Somaliland si loo sii amba qaado dariiqooyinka xal loogu heli karo qaddiyaddaan soo jiitamaysay sannado badan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here