Saturday, July 27, 2024

AS oo sheegtay in duqeyn lagu dilay 2 dhaqtar oo gacantooda ku jiray

Muqdisho (Dawan)- Laba Dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba kuwaas oo ku jiray gacanta kooxda Al-Shababaab ayaa lagu dilay duqeyn cirka ah oo ay fuliyeen Dowladaha Soomaaliya ka taageera la dagaalanka Al-shabaab, sida lagu sheegay War-saxaafadeed kasoo baxay kooxda Al-Shabaab.

Al-Shabaab ayaa ku eedeysay Dowladda Mareykanka in ay ka dambeysay duqenta lagu dilay labada dhaqtar oo ka dhacday Khamiistii lasoo dhaafay Magaalada Jilib, ee Gobolka Jubbada Dhexe, ee Koonfurta Soomaaliya.

Labada dhaqtar oo lagu kala magacaabi jiray Surgeon Landy Rodríguez iyo Assel Herrera, ayaa ku jiray gacanta Al-Shabaab tan iyo bishii April 2019.

Dhaqaatirtaan oo ka mid ahaa 100 dhaqtar oo u dhashay dalka Cuba ayaa loo soo diray dalka Kenya bishii June ee sannadkii 2018-ka, waxaana Gobolka Waqooyi-Bari Kenya kasoo afduubtay kooxda Al-Shabaab bishii April ee sanadkii 2019.

Dowladda Soomaaliya iyo saaxibadeeda caalamku weli war rasmi ah kama soo saarin dhacdadaan ilaa iyo hadda mana jiraan ilo madax bannaan oo xaqiijin kara duruufaha ku xeeran duqeynta iyo sheegashada Al-Shabaab ee ku aadan dhimashada dhaqaatiirtan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here