Sunday, November 24, 2024

ATMIS oo iska bariyeeshay ku lug lahaanshaha doorashooyinka Jubalabd

Muqdisho (Dawan)- Howlgalka Ku-meel-gaarka ee Midowga Afrika ee Soomaaliya (ATMIS) ayaa war-saxaafadeed ku caddeeyay mowqifkooda dhexdhexaadnimada ah ee ku aaddan geeddi-socodka doorashooyinka ka socda Jubaland. ATMIS ayaa beenisay eedeymo loo jeediyay oo ah in ciidamadooda booliska ay ku lug leeyihiin qabanqaabada doorashooyinka maamulkaas.

ATMIS ayaa ugu baaqday Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo maamulka Jubaland inay ku xalliyaan khilaafaadka jira si nabad iyo hannaanka wada-hadalka, waxayna ku boorisay dhinacyada inay ka fogaadaan ficillo xiisad abuuri kara, ayna isku dayaan in la gaaro isfaham ku dhisan wada-shaqeyn iyo xasillooni siyaasadeed.

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale muujiyay sida ATMIS uga go’an tahay taageerada ay siiso Soomaaliya, si ay uga gudubto caqabadaha horyaalla dhismaha dowladnimada. Waxay carrabka ku adkeeyeen muhiimadda hirgelinta nidaamka doorashooyinka hal qof iyo hal cod ah, oo dhammaan qeybaha bulshada ka wada qeyb galaan.

ATMIS ayaa mar kale xaqiijisay inay ka madax-bannaan tahay arrimaha siyaasadeed, iyadoo ballanqaaday inay sii wadi doonaan taageerada ay siiyaan Soomaaliya si loo xaqiijiyo nabadgelyo, xasillooni, iyo horumar waara.

Bayaankan ayaa imanaya xilli Jubaland si gaar ah u wargeliyay hay’adaha Qaramada Midoobay iyo ATMIS inay ka fogaadaan in diyaaradahooda loo adeegsado arrimo siyaasadeed.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here