Saturday, July 27, 2024

A S oo faah faahin ka bixisay weerarkii lagu dilay saraakiishii Imaaraadka

Muqdisho (Dawan)- Afhayeenka Kooxda Al-Shabaab Sheekh Maxamuud Raage oo loo yaqaan Cali-dheere ayaa faah faahin ka bixiyay weerarkii khasaaraha badan dhaliyay ee Sabtidii lagu qaaday xerada ciidanka Jeneraal Gordon ee Magaalada Muqdisho, isagoo caddeeyay ciddii ka dambeysay iyo inta lagu dilay weerarkaas.

Waxa uu sheegay in Mustafa Mukhtaar Aadan oo 27-sano jir ah islamarkaana ka soo jeeda Magaalada Xudur ee Xarunta Gobolka Bakool uu ka fuliyay weerarka Saldhiga, isaga oo tilmaamay in bartilmaameedka uu ahaa saraakiil sar sare oo ka tirsan Imaaraadka Carabta iyo ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ee ku sugan xerada ciidamada.

Cali Dheere ayaa sheegay in Mustafa uu toogtay in ka badan 50 askari oo ay ku jiraan 17 sarkaal oo ay ka mid yihiin saraakiil ka tirsan ciidamada Imaaraadka iyo kuwa Soomaaliya.

Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaan wax faah faahin ah ka bixin weerarakaas lagu qaaday saldhigga, balse waxay Dowladda Imaaraadka Carabta uga tacsiyeysay geerida saraakiisheeda lagu dilay weerarkii labo maalmood ka hor.

Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh ayaa ka tacsiyeeyay dhimashada saraakiisha u dhalatay dalka Imaaraadka Carabta kuwaas oo lagu dilay Xerada Jeneraal Gordon ee magaalada Muqdisho.

“Dawladda iyo Shacabka aan walalaha nahay ee Imaaraadka Carabta waxaan uga tacsiyeynaynaa saraakiisha ku naf waayey magaalada Muqdisho ee u yimid in ay ka qeyb-qaataan dib u dhiska Ciidamada Qalabka Sida ee Soomaaliyeed” ayuu Madaxweyne Xasan kusoo qoray bartiisa Facebook.

Madaxweynaha ayaa cambaareeyay falkaas, wuxuuna faray laamaha amniga in ay sameeyaan baaritaan degdeg ah, isaga oo ballan qaaday in tillaabdo adag laga qaadi doono cid kasta oo ka dambeysay falkaas

“Waxaan si ugu adag u cambaaraynaynaa falkan foosha xun ee galaaftay nolasha Saraakiishan wakhtigooda iyo naftooda u huray xoreynta dalkeena iyo dib udhiska ciidamadeena, anigoo faraya Laamaha Amniga in ay baaritaan degdeg ah ay ku sameeyaan, waxaana balan qaadaynaa In talaabo adag laga qaadi doono cidkasta oo soo abaabushay falkaan guracan”. ayuu raaciyay qoraalkiisa Madaxweyne Xasan Sheekh.

Wasaaradda Gaashaandhigga Imaaraadka Carabta ayaa shaacisay in 3 askari oo ka tirsan ciidamada Imaaraadka iyo sarkaal ka tirsan ciidamada Difaaca Bahrain lagu dilay weerar lagu soo qaaday saldhigga Gordon ee Magaalada Muqdisho, halka labo kalena lagu dhaawacay, inkasta oo mid ka mid ah u geeriyooday dhawaacii soo gaaray markii loo qaaday dalkiisa.

Wasaaradda ayaa intaas ku dartay in weerarku uu dhacay xilli ay gudanayeen waajibaadkooda shaqo ee tababarka iyo tayeynta ciidamada qalabka sida ee Soomaaliya.

Xerada Jeneraal Gordon ayaa la xiray sannadkii 2018-kii kadib khilaafkii diblomaasiyadeed ee soo kala dhax galay Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta ee ku saabsanaa go’aankii Soomaaliya ay ka qaadatay go’doomintii lagu sameeyay Qatar, basle dib ayaa loo furay markii dib loo doortay Madaxweyne Xasan Sheekh 15-kii May 2022.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here