Saturday, July 27, 2024

ATMIS oo soo bandhigtay qorsha howleedkeeda sannadka 2024

Muqdisho (Dawan)- Hawlgalka Ku-meel-gaarka ah ee Midowga Afrika (ATMIS) ayaa maanta oo Axad ah soo bandhigay qorsha howleedka iyo istiraatijiyadooda sannadka 2024-ka, iyada oo diiradda la saarayo horumarinta Ciidamada Ammaanka Soomaaliya, si ay uga adkaadaan kooxda Al-shabaab.

Qorshaha waxaa daaha ka qaaday Taliyaha Ciidanka ATMIS Jeneraal Sam Okiding iyo Taliyaha Boliiska ATMIS, Marwo Hillary Sao Kanu, xilli ay soo bandhigayeen howlihii u qabsoomay sannadka sii dhamaanaya.

“Hawsha koowaad ee aan xoogga saareyno sannadka soo socda waxay noqon doontaa in la burburiyo awoodda Al-Shabaab. Waa in Al-Shabaab laga adkaado si shacabka Soomaaliyeed ay ugu noolaadaan nabad” ayuu yiri Taliye Sam Okiding.

Taliyaha ayaa intaas ku daray in ay shir isugu imaanayaan dhammaan taliyayaasha ATMIS Magaalada Muqdisho si loo turxaan bixiyo qorshaha hadda degsan loogana mira dhaliyo yoolkii laga lahaa.

Okiding ayaa shaaca ka qaaday in sannadka 2023-ka ay ciidamadu sameeyeen 236 howlgal oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, iyada oo 41% howlgaladaasi ay si wadajir ah u fuliyeen Ciidamada Soomaaliya.

Taliyaha ayaa tilmaamay muhiimadda ay howlgalladaas u lahaayeen xoreynta deegaano istiraatiiji ah oo ay ka mid ahaayeen Farqalaal, Gadaan, iyo Kaymaha Cali Fooldheere, iyadoo sidoo kale howlgalladaas lagu furay waddooyin muhiimka u ahaa isu socodka deegaanada si loo fududeeyo gargaarka bini’aadantinimo ee la gaarsiinayo bulshada dhibaateysan.

“Waxaa muhiim ah in la ogaado in ATMIS ay kaashatay Ciidamada Soomaaliya si Al-Shabaab looga saari lahaa deegaano hoos taga Maamul Goboleedyada Jubaland, Galmudug, iyo Gobollada Shabeellaha Dhexe, iyo Shabeellaha Hoose,” ayuu hadalkiisa ku daray Okiding.

Taliyaha Boliiska ATMIS, Hillary Sao Kanu, ayaa hoosta ka xariiqday in ay xoogga saari doonaan sannada cusub sidii tababarro loo siin lahaa Ciidanka Boliiska Soomaaliya iyo sidii loo horumarin lahaa howlaha Bulshadda loo qabto

“Sannadka cusub, waxaan qaban doonaa tababaro ku saabsan xirfadaha baarista, la dagaalanka dambiyada lacag dhiqista, ka ganacsiga xubanaha bini aadanka, iyo hannaanka maamulka guud,” ayay tiri, Kanu.

Taliyaha Boliiska ATMIS ayaa xustay muhiimadda ay leedahay in Shacabka iyo laamaha amnigu wada shaqeeyaan si loo illaaliyo nabadda loogana hortago kooxda Al-Shabaab, iyada oo tiri,

“Farriinta aan u dirayo shacabka Soomaaliyeed waxa ay ku saabsan tahay midnimada iyo in la is kaashado sidii loo heli lahaa nabadda aan u soo halgamaynay”.

Ciidmadama Nabad Ilaalinta Midowga Afrika ayaa lagu wadaa in ay Soomaaliya ka baxaan dhammaadka sannadka 2024-ka, iyaga oo billaabay in ay mas’uuliyadda amniga ku wareejiyaan Ciidamada Amniga Soomaaliya sida Xarumaha Madaxtooyada iyo Saldhigyo kale.

June 2023 waxaa dalka laga saaray 2000 oo askari taas oo qeyb ka ahayd qorshaha ilaa 20,000 oo asgari ay dalka uga baxayaan dhamaadka 2024 oo ku asteysan muddada loo qorsheeyay in Ciidamada Nabad Ilaalinta ay uga baxaan Soomaaliya.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here