Saturday, July 27, 2024

Muuse Biixi oo safar shaqo ugu amba baxay Itoobiya

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Muuse Biixi Cabdi iyo wefti uu hoggaaminayo, ayaa maanta oo Axad ah safar shaqo ugu amba baxay dalka Itoobiya.

“Madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah oo marti-qaad rasmi ah ka helay Ra’iisal wasaaraha Dalka Ethiopia mudane Abiy Ahmed Ali, ayaa madaarka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ka raacay diyaarad gaara oo uu Ra’iisal wasaaruhu u soo diray weftiga Madaxweynaha Qaranka Somaliland, waxaanu safarkoodu qaadan doonaa maalmo kooban“. ayaa lagu yiri, qoraal kasoo baxay xafiiska Madaxtooyada Somalilnad

Biixi, waxa safarka ku wehliya,Wasiirrada Qorshaynta iyo Horunarinta, Axmed Maxamed Diiriye (Toorno), Horumarinta Maaliyadda Dr. Sacad Cali Shire, Waxbarashada iyo sayniska Dr Axmed Aadan Buuxane, halka Wasiirka Arrimaha Dibadda iyo xidhiidhka caalamiga ah, Dr. Ciise Keyd Maxamuud uu dalka Itoobiya kaga sii horeeyo weftiga.

Muuxi Biixi ayaa shalay kasoo laabtay dalka Jabuuti kadib markii uu ka qeyb galay wada xaajoodaka Soomaaliya iyo Somaliland ee ay Dowladda Jabuuti ka tahay garwadeenka kaas oo lagu hehsiiyay in labada dhinac ay sii amba qaadaan wada hadallada, si meel la iskula dhigo arrima masiiriga ah ee la isku hayo.

Somaliland ayaa baadi goob ugu jirtay in ay aqoonsi ka hesho caalamka in ka badan 30 sano, waxeyna ku guuleysatay in ay qabato doorashooyin kala duwan kuwaaas oo ay ku dooneysay in loo tix geliyo Dowlad ka madax bannaan Soomaaliya.

11 sano ayaa laga joogaa markii Dowladdii ku meelgaarka ahayd ee Soomaaliya iyo Somaliland uu dhexmaray wada hadalkii ugu horeeyay kadib ku dhawaaqistii gooni isku taaga Somaliland oo hada laga joogo 32 sano.

Madaxweynae Xasan Sheekh ayaa magcaabay ergay qaabilsan arrimaha Somaliland si loo sii amba qaado dariiqooyinka xal loogu heli karo qaddiyaddaan soo jiitamaysay sannado badan.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here