Sunday, May 19, 2024

Kenya: Safiiradii uu dhawaan magacaay Ruto oo hortegaya Baarlamaanka

Nairobi (Dawan)- Guddiga Baarlamaanka dalka Kenya u qaabilsan arrimaha Gaashaandhigga, Sirdoonka iyo Xiriirka Arrimaha Dibadda ayaa lagu wadaa inuu maanta soo gabagabeeyo turxaan bixinta 27 safiir uu dhawaan magacaabay Madaxweyne William Ruto.

Hore waxaa Guddiiga u hortegay afarta safiir ee loo kala magacaabay dalalka Germanay, Spain, Austira iyo Kooriyada Koonfureed.

uddiga Baarlamaanka dalka Kenya u qaabilsan arrimaha Gaashaandhigga, Sirdoonka iyo Xiriirka Arrimaha Dibadda ayaa qiimeynaya aqoonta ay u leeyihiin safiirada lasoo magacaabay howlaha loo igmaday gaar ahaan arrimaha diblomaasiyadda, xiriirka caalamaka, ganacsiga iyo fahanka ay ka heystaan siyaasadda.
Stella Orina oo tan iyo bishii 6-aad ee sannadkaan ahayd agaasime ku xigeenka akadeemiyada adeegga dibadda ayaa ballan qaadday in haddii magacaabideeda la ansixiyo ay xoojin doonto xirirka dibloomaasiyadeeda iyo ganacsi ee ka dhaxeeya Kenya iyo Germany

Guddiga sameynaya qiimeynta iyo turxaan bixinta ayaa laga doonaya inuu warbixintiisa u gudbiyo Baarlamaanka ugu dambeyn 8-da bishaan Novermeber.

Safiirada magacaaban waxaa ka ka mid ah Kiringo Kubia oo Kenya u qaabilsanaa doona Soomaaliya, haddii la ansixiyo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here