Saturday, July 27, 2024

Soomaaliya iyo IMF oo gaaray heshiis cuusb oo ku saabsan dib u habeynta maaliyadda

Muqdisho (Dawan)- Hey’adda Lacagta Adduunka ee IMF ayaa soo saartay warbixin ay uga hadashay dadaalka Dowladda Soomaaliya ee hannaanka dib-u-habeynta Maaliyadda oo meel wanaagsan maraya iyada oo ay Dowladda Soomaaliya iyo IMF wada gaareen is afgarad ku saabsan barnaamij cusub oo lagu sii xoojinayo hannaanka Maaliyadda iyo dib u dhiska dhaqaalaga oo la hirgalin doono dayn cafinta ka dib .

Warbixinta IMF ayaa lagu yiri “Dowladda Federaalka Soomaaliya waxa ay joogteysay dhaqan-gelinta dib-u-habaynta Maaliyadda, si ay gacan uga geysato xoojinta hay’adaha Maaliyadda iyo siyaasadaha dhaqaalaha ee muhiimka ah, taas oo waddada u xaaraysa in Soomaaliya ay gaarto barta kama dambeysta ah ee qorshaha Deyn Cafinta oo la filayo go’aankiisa kama dambeysta ah bisha December 2023-ka.

Iyada oo laga amba-qaadayo horumarkaas, mas’uuliyiinta Dowladda Soomaaliya iyo IMF waxa ay gaareen heshiis ku saabsan dib-u-habeynta Maaliyadda iyo siyaasadda Dhaqaalaha Soomaaliya, kaas oo socon doona muddo 36 bilood ah.

IMF waxa ay sheegtay barnaamijka cusub ee ECF in ujeedadiisu uu yahay in lagu hago siyaasadaha kama dambeysta ah ee kadib barnaamijka Deyn Cafinta, si loo sii xoojiyo hey’adaha Maaliyadda, horumarinta ganacsiyada yar yar iyo kobaca dhaqaalaha guud oo waafaqsan Qorshaha Horumarinta Qaranka iyo hiigsiga fog ee Dowladda Soomaaliya.

IMF waxa ay xustay in ay lama huraan tahay sii socoshada taageerada saaxiibada caalamiga ee hay’adaha maaliyadda Soomaaliya.

Hay’adda Lacagta Adduunku waxaa kale oo ay sheegtay in horumarka la taaban karo ee laga gaaray dib-u-habaynta maaliyadda iyo maamulka wanaaga sannadihii la soo dhaafay,

Iyada oo laga duulayo horumarka la taaban karo ee laga gaaray dib-u-habaynta Maaliyadda iyo maamul wanaagga sanadihii la soo dhaafay, ayaa hadana mudnaanta gaarka ah waxa ay noqon doontaa jaangoynta xasilinta siyaasadda muhiimka ah ee dhaqaalaha, kobcinta dakhliga iyo horumarinta Maamulka Maaliyadda.

Dhankiisa, Wasiirka Maaliyadda Soomaaliya, Biixi Imaan Cige oo qoraal kooban ka soo saaray Warbixinta IMF ayaa sheegay in heshiiskaan taariikhiga ah uu sahlayo sii wadidda howlaha dib-u-haneynta Maaliyadda kadib marka uu soo gaba gaboobo Barnaamijka deyn cafinta.

Wasiirka ayaa intaas ku daray in , Soomaaliya ay si caadi ah oo fool ka fool ah ula macaamili doonto hey’adaha Maaliyadda Adduunka In ka badan 30 sano ka dib.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here