Monday, October 7, 2024

Axmed Jiir oo loo doortay guddoomiyaha Golaha ismaamulada Kenya

Nairobi (Dawan)- Guddoomiyaha Ismaamulka Wajeer Axmed Cabdullaahi (Jiir) ayaa maanta oo isniin ah loo doortay inuu hogaamiyo Golaha ay ku mideysanyihiin ismaamulada dalka Kenya, isaga oo bedelya Kirinyaga Anne Waiguru oo muddo laba sano ah haysay xilkan.

Tartan adag

Axmed Cabdullaahi ayaa helay codadkii ugu badnaa doorasho ka dhacday hotelka Safari Park ee magaalada Nairobi iyada oo ku xigeenkiisa loo doortay guddoomiyaha gobolka Nyeri, Mutahi Kahiga.

Tartanka waxaa ku loolalmay gudoomiyayaasha shan ismaamul oo kala ah Wajeer, Nyeri, Tharaka, Kajiado, iyo Nairobi.

Fursadda Axmed Jiir

Doorashada ayaa la qabtay kadib saacado badan oo ay ismaamuladu ka doodayeen qodobo kala duwan oo ay ugu muhiimsantahay sidii hoggaanka golaha loogu qaybsan lahaa qaab caddaalad ah oo ay iska dhax arki karaan dhammaan bulshooyiinka dalka.

Waxaa la isla meel dhigay inaysan dhicin in hal gobol kusoo noqnoqdo hogaaminta golaha oo ay noqoto hab wareeg ah.

Qodobkan waxa uu fursad u noqday Axmed Cabdullaahi oo kasoo jeeda deegaanada uusan qof ugu jirin hoggaanka Golaha.

Axmed Cabdulaahi waxa uu hadda la wareegi doonaa hoggaanka golaha maamul goboleedyada (CoG) oo ah isbahaysi ay ku mideysanyihiin gudoomiyayaasha 47-da gobol ee dalka Kenya, waxaana looga fadhiyaa inuu waxbadan ka qabto isku duba ridka adeegyada bulshada iyo sidii qoondooyiinka horumarinta ee dowladda dhexe bixiso loo gaarsiin lahaa deegaanadii loogu tala galay.

Waa maxay Golaha Ismaamulada Kenya?

Golahan oo loo yaqaano Council of County Governors (COG) waa isbahaysi madaxbannaan oo lagu dhisay qodobka 19 ee Xeerka Xiriirka Dowladaha Hoose (IGRA 2012), waxaana ku mideysan Gudoomiyayaasha Gobolada afartan iyo toddobada ismaamul ee dalka Kenya.

Howlaha ugu muhiimsan ee Golaha ayaa ah horumarinta aragtida hoggaaminta, wadaagista hababka ugu wanaagsan ee maamulka, iswaydaarsiga khibradaha, kawadatashiga danaha ismaamullada iyo la socoshada xogta waxqabadka Dowlad Goboleedyada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here