Friday, July 26, 2024

Biixi oo isbeddel kooban ku sameeyay golihiisa wasiirada

Hargeysa (Dawan)- Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa wareegto uu soo saaray ku sameeyay xil ka qaadis, magacaabid iyo bedel qaar ka mida mas’uuliyiinta golihiisa wasiirada.

Mas’uuliyiinta xilka laga qaaday ayaa kala ah Cabdiraxmaan Xirsi Jaamac Dhooble, Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Cabdi-naasir Cumar Jaamac, Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

Wareegtada kasoo baxday xafiiska Madaxweynaha Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi ayaa lagu yiri, ” Sida aad la socotaan, xilka Qaranka ayey dabcigiisa tahay in uu meerto noqdo, oo loo igmado hadba ciddii hanan karta. Sidaa darteed, waxaan gartay in laga bilaabo taariikhda maanta aan idinka qaado xilalkii aad hore u haysay ee Wasiirkii Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha iyo Wasiir Ku-xigeenkii Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga ah”.

Dhanka kale mas’uuliyiinta cusub ee lagu beddelay ayaa kala ah Cabdirisaaq Muuse Faarax Cawad, Wasiirka Wasaaradda Dhallinyarada iyo Ciyaaraha Somaliland, Rooda Jaamac Cilmi Cabdulle, Wasiirka Ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga iyo Saleebaan Jaamac Diiriye Guuleed, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Horumarinta Maaliyadda Jamhuuriyadda.

Madaxweyne Biixi ayaa bishii hore sidaon oo kale isku shaandhayn ku sameeyay golihiisa xukuumadda, waxa uuna xilalkii ka qaaday afar ka mid ah wasiiradiisa isaga oo magacaabay kuwo cusub.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here