Monday, May 20, 2024

Bannaan bax lagu taageerayo ciidamada Soomaaliland oo ka socda Hargeysa

Hargeysa (Dawan)-Boqolaal dadweyne ayaa saakay isagu soo baxay magaalada Hargeysa ee caasimadda Soomaaliland si ay u dhigaan bannaan bax lagu taageerayo laguna muujinaayo garab istaagga ciidamada Soomaaliland.

Ciidanka Soomaaliland ayaa dhawaan khasaare weyn kala kulmay dagaalkii loogala wareegay saldhigyadii ay ku lahaayeen aagga Goojacadde, waxaana  baraha bulshada lagu faafiyay saraakiil  dagaalka lagu soo qabtay oo ka tirsan ciidanka Soomaaliland.

Maalmahaan ba waxa socday guubaabda iyo garab istaagga loo moojinaayo cidamada, waxayna xukuumadda iyo mucaaradku si wada jir ah ugu goodiyeen in ay soo ceshan doonaan dhulkii laga qabsaday.

Madaxweynaha Soomaaliland Muuse Biixi Cabdi ayaa qiray in khasaarihii ugu darnaa soo gaaray ciidamada tan iyo markii uu dagaalku billaawday.

Bayaan kasoo baxay Shirkii Golaha Wadatashiga Qaran ee lagu soo gabagabeeyay magaalada Dhuusamareeb ayaa loogu baaqay labada dhinac inay dagaalka joojiyaan,  kana fogaadaan tallaabooyin sii dheereyn kara colaadda.
Golaya ayaa sidoo kale ku  baaqay in la ilaaliyo  xuquuqda maxaabiista.

Sidoo kale Beesha Caalamka ayaa walaac ka muujisay colaadda sii baaheysa iyo dagaalada soo cusboonaaday ee u dhaxeeya Soomaaliland iyo xoogaga SSC Khaatumo.

“Waxaan ku boorineynaa dhammaan dhinacyada inay ku heshiiyaan xabbad joojin degdeg ah oo shuruud la’aan ah. Waxaan ku baaqaynaa in la joojiyo abaabulka dagaalyahannada, iyo saadka iyo hubka la siinayo. Waxaan aad uga walaacsanahay warbixinnada sheegaya inay jiraan tiro badan oo maxaabiis ah” ayaa lagu yiri bayaan kasoo baxay Beesha caalamka.

Dagaalaka ka socda Laascaanood ayaa sababy dhimasho iyo dhaawac tira badan, waxaana ku bara kacay kumanaan qof.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here