Wednesday, May 8, 2024

Maraykanka oo ka caawinaaya Soomaaliya mashaariic ay ku baxeyso $92.6 Milyan

Muqdisho (Dawan)- Soomaaliya iyo Maraykanka ayaa Muqdisho ku kala saxiixday heshiis horumarineed oo gaaraya lacag dhan $92.6 Milyan, kaas oo ka turjumaya iskaashiga joogtada ah ee u dhexeeya labada dowladood.

Heshiiska waxaa Soomaaliya u saxiixay Wasiirka Qorsheynta, Maalgashiga iyo Horumarinta Dhaqaalaha mudane Maxamuud Cabdiraxmaan Sheekh Faarax “Beene-Beene” iyo Wasiirka Maaliyadda, mudane Biixi Iimaan Cige, halka Dowladda Maraykanka uu u saxiixay sii hayaha xilka safiir ee safaaradda Maraykanka ee Muqdisho mudane Shane Dixon.

“Heshiiska deeqdani wuxuu ka turjumayaa iskaashiga qotoda dheer ee Mareykanka iyo Soomaaliya kaas oo ku salaysan dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida, horumarinta kobaca dhaqaalaha, kobcinta dowladnimada, iyo awood-siinta hoggaamiyayaasha mustaqbalka, haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed,” ayuu yiri sii hayaha xilka safiir ee safaaradda Maraykanka Shane Dixon oo ka hadlay xafladda saxiixa.

Heshiisku wuxuu qeexayaa sida USAID ay u isticmaali doonto $92.6 milyan ee kaalmada horumarineed si ay Soomaaliya uga caawiso dhisidda adkeysiga iyo xasilloonida mustaqbalka fog, kobaca dhaqaalaha, hagaajinta maamulka, fursadaha haweenka iyo dhalinyarada, iyo adeegyada caafimaadka iyo waxbarashada ee muhiimka ah. Taageeradani ayaa xoojinaysa ku dhawaad 17 sano oo kaalmo ah oo ay dadka Maraykanku siinayeen Soomaaliya.

Iyada oo loo marayo kaalmada horumarinta ee dawladda Maraykanka ayaa in ka badan 150,000 oo carruur Soomaaliyeed ah waxay heli doona barnaamijyo waxbarasho oo aasaasi ah oo la dardargaliyey – taas oo xoojinaysa awoodda dawladda si ay si hufan u kormeerto waxbarashada deg dega ah.

In ka badan 200 oo fasal iyo xarumo kale kale ayaa la dayactirayaa si loo kordhiyo helitaanka waxbarashada ku dhowaad 10,000 oo arday oo dheeraad ah sannad kasta.

Haweenka Soomaaliyeed ee da’da yar ayaa ka faa’iideysanayam waxeyn ka heli doonaan fursado sahqo.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here