Saturday, July 27, 2024

Barashada qoraalka Maayga oo laga billaabay Baydhabo

Baydhabo (Dawan)- Magaalada Baydhabo ee Gobolka Bay ahna caasimadda kumeel gaarka ee Maamul Goboleedka Koonfur-Galbeed waxaa laga hirgeliyay barashada qoraal-aqriska Maayga.

Ardayda Dusgsiyada Magaalada Baydhabo ayaa noqday ardaydii ugu horeysay ee nasiib u yeesha in ay xiisa ahaan u qaataan barashada qoraalka iyo aqriska Maayga, iyaga oo dareemaya xiisa gooni ah iyo in ay u tahay taariikh la xusi doono mustaqbalka.

Ardaydu waxay u arkaan fursad ay dhaqankooda soo jireenka ah ku bartaan iyo wadiiqo lagu soo nooleyn karo Afka Maayga.

Barayaasha, Maamulka iyo Waalidiintuba waxa ay dhammaantood bogaadinayaan tillaabadaan iyo go’aankaan lagu barayo ardayda qoraal-aqriska Maayga, balse waxa ay sidoo kale tilmaamayaan in ay jiri doonaan caqabado u baahan karti, aqoon iyo dulqaad dheeraad ah.

Waxaa hore u jirtay iskudayo badan oo la sameeyay sidii qoritaan rasmi ah loogu sameyn lahaa Maayga balse ugu dambeyntii waa la gaaray yoolkii muddo badan la raadinayay, waana guul usoo hoyatay guud ahaan Soomaalida gaar ahaan muwaadiniinta Soomaaliyeed ee sida gaarka ugu hadla Maayga.

Dowlad Goboleedka Koonfur-Galbeed iyo aqoonyahano u nasab sheegta Maayga ayaa dadaal dheer geliyay suurtagalnimada ah in la helo qoraal rasmi ah si loo ilaaliyo dhaqanka iyo suugaanta u gaarka ah Maayga iyo Deegaanada looga hadlo.

Waa billaawga waddo dheer oo u baahan dadaal iyo howl badan oo u baahan awood siyaasadeed, dhaqaale iyo wacyigelin iskugu jirta, si loo suurtagliyo Af- Maay qoran oo la siman Maxaatiriga.

Dhammaadkii bishii November ayay ahayd markii Guddoomiyaha Golaha Shacabka Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) uu si rasmi ah u daah furay farta Maayga.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in Afka Maayga uu yahay af hodan ah micno badana leh, ayna ku hadlaan dad badan oo Soomaaliyeed kuwaas oo ku kala nool deegaano kala duwan oo ka mid ah dalka.

Guddoomiye Sheekh Aadan ayaa boggaadiyay islamarkaana dhiira-geliyay, guddigii ka soo shaqeeyay qorista farta Maayga, isaga oo xusay in halgan dheer loo soo maray muddo dheerna lagu howlanaa qorista farta Maayga.

Sida la yiraahdo Soomaaliga waxaa loo qeybiyaa Maay iyo Maxaatiri, basle Dowladdii Militeriga ayaa qortay kaliya Maxaatiriga, taas oo keentay in la waayo qoraalo Maay ah oo rasmi ah.

Sida ay qabaan Khubarada luqadaha, qorista Maayga ayaa kusoo kordhin doonta Af-Soomaaliga erayo, suugaan, dhaqan iyo in si fudud ay u baahdo barashada Maayga.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here