Wednesday, December 4, 2024

Beesha Caalamka oo soo faragelisay khilaafka Federaalka iyo Jubaland

Muqdisho (Dawan)- Beesha caalamka ayaa si adag uga hadashay khilaafka sii xoogaysanaya ee u dhexeeya Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo Dowlad Goboleedka Jubaland, xilli xiisadda siyaasadeed ay cirka isku shareertay kadib shirkii ugu dambeeyay ee Golaha Wadatashiga Qaranka (GWQ).

War-saxaafadeed ay si wadajir ah u soo saareen saaxiibada caalamka, ayaa lagu sheegay inay ka walaacsan yihiin xaaladda, iyagoo ku boorriyay dhinacyada in ay dib u billaabaan wada-hadallo dhab ah oo loo dhan yahay. Jubaland ayaa si gaar ah loogu baaqay inay dib ugu soo laabato madasha GWQ si ay uga qayb qaadato wadahadallada lagaga hadlayo arrimaha taagan, isla markaana ay dib u soo celiso xiriirkii Dowladda Federaalka .

War-saxaafadeedka ayaa sidoo kale looga digay tallaabo kasta oo sii hurin karta xiisadda, waxaana dhinacyada oo dhan loogu baaqay inay ka shaqeeyaan xasilloonida kahor inta aan la guda gelin geeddi-socodka doorashooyinka.

Beesha caalamka ayaa muujisay taageerada ay u hayaan qorshaha ay Soomaaliya ugu guureyso hannaanka doorasho ee hal qof, hal cod, balse waxay shuruud uga dhigeen in laga shaqeeyo doorashooyin loo dhan yahay, la aqbali karo, ammaan ah, islamarkaana xaqiijin kara xasilloonida dalka.

Waa markii ugu horeysay ee Beesha caalamku si wadajir ah war uga soo saarto khilaafka soo kala dhexgalay Villa Somalia iyo Kismaayo kaas oo ka dhashay hannaanka doorashooyinka, iyada oo dowladda federaalku ku adkeysanayso in dalka laga qabanayo doorashooyin toos ah sanadka soo socda halka Jubaland ay gudagashay hannaankii dadbanaa ee ay u qabsan jirtay doorashooyiinka.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here