Saturday, July 27, 2024

Nigeria oo guul ka gaartay Cameroon una gudubtay sideed dhamaadka AFCON

Abidjan (Dawan)-  Ademola Lookman ayaa ahaa xiddiga ciyaartii ay xalay Nigeria 2-0 ku garaacday Cameroon ciyaar ka tirsaneyd tartanka Qaramada Afrika 2023

Taageerayaal aad u fara badan ayaa ku sugnaa garoonka Felix Houphouët-Boigny ee magaalada Abidjan, maadama ay wada ciyaarayeen laba xul oo u sharraxnaa ku guuleysiga koobka kuwaas oo kala ahaa Cameroon oo 5 jeer qaaday koobka iyo Nigeria oo 4 jeer hanatay koobka.

Ciyaarta waxaa qaab firfircoon ku billaabay Cameron inkasta oo Nigeria dhalisay gool daqiiqadii 9-aad laakin uu ka diiday VAR.

Daqiiqadii 36-aad ee ciyaarta ayay Super Eagles heleen goolkii kowaad kadib markii uu Victor Osimhen kubad fiican u dhigay saaxibkiis Lookman oo kubadda ku hubsaday shabaqa Cameron.

Cameroon ayaa awoodi waysay inay soo bareejeyso ciyaarta, waxaana mar kale laga dhaliyay goolki labaad dhamaadka ciyaarta.

Natiijadan ayaa uga dhigan Nigeria in ay ugu gudubtay wareega sideed dhamaadka, waxeyna wada ciyaari doonaan xulka Angola oo isaguna 3-0 uga soo badiyay Namibia.

Rigobert Song, Tababaraha Cameroon ayaa sheegay in ciyaartooydiisa ay u badan yihiin da’yar u baahan in ay helaan khibrad si ay u gaaraan guulo waaweyn laakin waxa uu cadddeeyay in ay muujiyeen ciyaar u qalantay in u ay gudbaan wareega xiga.


Dhanka kale, José Peseiro, Tababaraha Nigeria ayaa warbaahinta u sheegay in ay diiradda saari doonaa kulanka soo socda ee ay la yeelan doonaan Angola, isaga oo xusay in ay hadda u baahanyihiin nasiino iyo diyaar garoow xooggan.

Dalka Ivory Coast ayaa marti gelinaya Koobka Kubadda Cagta ee Qaramada Afrika markii labaad kadib 40 sano markii uu marti geliyay markii ugu horeysay 1984

Tartanka Koobka Afrika ayaa socon doona ilaa 11 bisha soo socota ee February, iyada oo 24-ka dal ee ka qeyb gelaya tartanka 34-aad ee koobka Qaramada loo qeybiyay lix Group.

Kulamada ciyaaraha koobkaan waxaa lagu qabanaya 6 garoon oo loo qaybiyay 5 magaalo, kuwaas oo kala ah Abidjan, Yamoussoukro, Bouaké, Korhogo iyo San Pedro.

Lixda garoon ee lagu ciyaari doono kulamada ayaa kala ah Alassane Ouattara, Felix Houphouet-Boigny, Al Salam, Amadou John Coulibaly, Laurent Boco, iyo Charles Konan Bani.

Waxaa la kordhiyay 40% lacagatii la siin jiray dalka ku guuleysta koobka, wuxuuna heli doona sannadkaan 7 malyan oo dollar halka waddanka gala kaalinta labaad uu heli doono 4 malyan oo dollaar.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here