Saturday, July 27, 2024

Shil sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Jabuuti

Jabuuti (Dawan)- Ciidamada Boliiska Jabuuti ayaa fiidnimadii Arbacada waxa ay faah faahin ka bixiyeen shil Bajaaj oo sababay dhimasho iyo dhaawac kaas oo ka dhacay agagaarka xaafadda 4-aad ee caasimadda Jabuuti.

Warbixinta Boliiska ayaa lagu yiri, “Shalay gelinkii dambe waxaa meel aan ka fogeyn xaafadda 4-aad ka dhacay shil khasaare geystay. 1 dhimasho ah (Darawal bajaaj) iyo 7 dhaawac ah oo mid ka mid ah uu yahay dhaawac halis ah”

Boliiska ayaa intaas raaciyay, waa arrin murugo leh, waxaana xasuusineynaa wadayaasha bajaajleyda inay ilaaliyaan sharciyada wadista si ay naftooda iyo dadka kale u nabad galaan.

Boliiska ayaa sheegay in xawliga xad dhaafka ah uu khatar ku yahay wadayaasha iyo rakaabka labadaba, iyada oo ay jirto eedeyn loosoo jeediyay qaar ka mid ah wadayaasha mootooyinka leh seddex lug oo ah in ay qaadaan rakaab ka badan tiradii loogu tala galay.

Ciidamada Boliiska ayaa soo bandhigay sawiro muujinaya gaari Toyoto ah iyo Bajaaj isku dhacay iyo dad yaala dhulka, kuwaas oo ay waxyeelo kasoo gaartay shilka.

Ciidamada qaabilsan sharciyada waddooyinka ayaa dhowr jeer soo saaray digniino ku socda wadayaasha gawaarida kala duwan iyo dadweynaha kuwaas oo la xiriira sida la isaga kaashan karo ka hortagga khataraha shilalka oo ay dad badan ku waayaan naftooda ama kala kulaan dhaawac halis ku ah noloshooda.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here