Sunday, May 19, 2024

Bilaal Bulshaawi: Waxaan TikTok ka caawinaa dad dowladdu wax u qaban weyday

Muqdisho (Dawan)-Dhallinyarada Soomaaliyeed ee isticmaalaha baraha bulshada gaar ahaan TikTok ayaa aad uga hor yimid go’aanka wasaaradda Isgaarsiinta iyo Teknoolojiyada Soomaaliya ku mamnuucday isticmaalka aaladaha baraha bulshada ee TikTok, 1Xbet iyo Telegram, iyagoo ku tilmaamay wax laga xumaado in dowladdu qaadato go’aan nuucaas ah.

Qaar ka mid ah dhallinyarada oo la hadlay TV-ga Dawan ayaa sheegay in dowladda Soomaaliya ku degdegtay go’aankaas loona baahnaa in laga sameeyo wadatashiyo badan iyo inaan ciqaab wadareed lagu sameynin dadka wanaaga u isticmaala baraha bulshada iyo kuwa kale ee faafiya waxa xun.

Bilaal Bulshaawi oo ka mid ah dhalinayarada ugu caansan baraha bulshada loona yaqaano madaxweynaha TikTok ayaa sheegay in baraha bulshadu ay noqdeen fursad u sahashay dhallinyarada Soomaaliyeed inay helaan shaqo ay ku maareeyaan naftooda.

“ TikTok aniga ka Bilaal ahaan, faa’iidooyin badan ayaan ka helaa, haddii ay noqon lahayd dhaqaale,  magac iyo Sharaf, intaba waan ka dhaxlay, dhallinyarao ila mid ahna way ku jiraan oo iiga sii wanaasgan” ayuu Bilaal u sheegay Tv-ga Dawan.

Bilaal ayaa sidoo kale sheegay in dhallinyarada isticmaalaha baraha bulshada ay ka qeyb qaateen samafalka iyo caawinta dadka dhibaateysan ee u baahan gargaar degdeg ah kuwaas oo dowladda Soomaaliya wax u qaban weyday sida uu hadalka u dhigay.

“Waxaan ahay nin dadkiisa Soomaliyeed caawiyay, dowladdu dad ay wax qaban weyday ayaan wax u tarnay” ayuu yiri madaxweynaha TikTok.

Bilaal ayaa ugu baaqay dowladda inay ka faa’iideyato dhallinyarada caan ka ah baraha bulshada si looga wada shaqeeyo ka hor tagga waxyaabaha dhibaatada ku ah bulshada.

Bilaal Bulshaawi ayaa isweydiiyay sababta ay dowladdu u bartilmaameedsatay oo kaliya TikTok, 1Xbet iyo Telegram, iyada oo ay jiraan kuwa kale oo lagu faafiyo waxyaabo aan laga ogoleyn in lagu baahiyo TikTok-ga.

“Hub ayaan lasoo geli karin, carruur ayaan loo adeegsan karin, sigaar ayaan lagu dhax cabi karin, adoo gaari wada ayaan laguu ogoleyn. TikTok waa aaalad ka sharci adag aaladaha kale”  ayuu raaciyay Bilaal.

Madaxweyanah TikTok ayaa ugu dambeyntii ka codsaday dowladda Soomaaliya inay ka laabato go’aanka lagu mamnuucay qaar ka mid ah baraha bulshada.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here