Wednesday, May 8, 2024

Midowga Afrika oo hakiyay xubinimada dalka Niger

Addis Ababa (Dawan)- Golaha Nabadda iyo Ammaanka ee Midowga Afrika ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay xubinimada  dalka Niger, wuxuuna ku baaqay inaan sharciyad la siinin ciidamada af-gembiga ka sameeyay dalkaas.

Golaha Nabadda iyo Ammaanka ayaa sidoo kale ka digay in faragelin ciidan lagu sameeyo dalka Niger taas oo ka timaada qaaradda Afrika gudaheeda ama dibaddeeda, wuxuuna taageeray dadaalada diblomaasiyadeed ee dib loogu soo celinaayo sharciyadda dalkaas.

Xubno ka tirsan ilaalada madaxtooyada Niger ayaa af-gembiyay 26-kii bisha July Madaxweyne  Maxamed Bazoum, waxeyna ku dhawaaqeen in laalay dastuurka, lana sameeyay “Golaha Badbaadinta Qaranka”.

Dowladaha Afrika ayaa hore ugu kala qeybsamay qaabka lagu xallinayo arrinta dalka Niger, waxeyna  qaarkood soo jeediyeen in lagu xalliyo fara-gelin ciidan halka kuwa kale ay soo bandhigeen  in wada hadal iyo qaab siyaasadeed looga gudbi karo dhibaatada dalka Niger.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here