Qaahira (Dawan )- Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan ayaa maanta booqasho ku tegay Qaahira, iyada uu dhiggiisa Masar, Cabdifataax Al-Siisi u sameeyay soo dhaweeyn aad uu sarreysa.
Labada Madaxweyne ayaa wada hadal ku yeeshay Qasriga Itixaadiya, waxeyna isla lafa gureen xiriirka labada dal, xaaladda ka taagan Bariga Dhaxe iyo arrima kale oo la xiriira caalamaka.
Erdoğan: Waxaan iska kaashaneynaa Masar joojinta dhiigga ku daadanaya Gaza
Wada hadallada kadib ayay Erdoğan iyo Al-Siisi wada qabteen shir jaraa’id, iyada uu Madaxweynaha Turkigu sheegay in dalkiisu uu sii xoojin doono garab istaagga dadaaladda Masar ee lagu doonayo in xabbad joojin looga hirgeliyo Marinka Gaza.
Erdoğan ayaa yiri, “Muhiimaddeennu waa in aan sida ugu dhaqsiyaha badan loo gaaro xabbad-joojin, sidoo kalena gargaar bini’aadannimona aan gaarsiinno Gaza, iyada oo aan la carqaladeynin”
Madaxweynaha Turkiga ayaa ku tilmaamay isku dayga lagu doonayo in dadka deggan Gaza looga barakiciyo dhulkooda ay tahay mid aan la aqbali karin.
Marka la eego xiriirka laba dal, , Erdoğan wuxuu carrabka ku adkeeyay go’aanka waddankiisa ee ah inuu xoojiyo xiriirka Masar, si nabad iyo xasillooni loogu soo dabaalo Gobolka.
Erdoğan ayaa dhiggiisa Masar ku casuumay inuu soo booqdo Turkiga, isagoo xusay in booqashadan ay noqon doonto tallaabo loo qaaday isbeddel cusub oo ku yimid xiriirka labada dal.
Isaga oo hadalkiisa sii wata ayuu yiri: “Waxaan ku heshiinay maanta in aan kor u qaadno heerka ganacsiga oo la gaarsiiyo $15 bilyan muddo gaaban gudaheed.”
Al-Siisi: Bog cusub ayaa u furmay xiriirka Masar iyo Turkiga
Madaxweynaha Masar, Cabdifataax Al-Siisi ayaa dhankiisa sheegay in bog cusub u furmay iskaashiga iyo xiriirka labada Dowladood, isaga oo caddeeyay in ay kordhin doonaan isweeydaarsiga ganacsiga ee labada dal.
Madaxweynaha Masar ayaa yiri “Waxaan fureynaa bog cusub oo u dhaxeeya labadeena dal, kaas oo kobcinaya xiriirka laba geesoodka ah, isla markaana ku hagi doona waddada saxda ah”.
Golaha Iskaashiga Istiraatijiyadeed ee Turkiga iyo Masar
Madaxweynaha Turkiga, Recep Tayyip Erdoğan iyo dhiggiisa Masar, Cabdifataax Al-Siisi ayaa qalinka ku duugay heshiis cusub oo lagu yagleelayo Golaha Iskaashiga Istiraatijiyadeed ee Turkiga iyo Masar.
Madaxweynayaasha labada dal ayaa shir guddoomin doonaan shirarka soo socda ee golaha sare ee iskaashiga istaraatiijiyadeed, waxaana goluhu uu labadii sanaba mar si isdaba joog ah ku kulmaya dalalka Turkiga iyo Masar, iyada oo shaqadiisu tahay isku dubaridida shaqooyinka iyo diyaarinta ajandayaasha hortebinta u leh xoojinta iskaashiga labada dhinac.
Heshiiska cusub ayaa tilmaamaya in Turkiga iyo Masar ay iska kaashan doonaan dhinacyada Siyaasadda, Diblomaasiyadda, Dhaqaalaha, Ganacsiga, Bangiyada, Adeegyada Maaliyadda, Maalgashiga, Gaadiidka, Badda, Dalxiiska, Caafimaadka,Shaqa abuurka, Amniga, Militariga Warshadaha hubka, iyo la dagaalanka dambiyada abaabulan iyo argagixisada.
Waxa kale oo ay iska kaashan doonaa dhinacyada Dhaqanka, Waxbarashada, Sayniska, Tignoolajiyada, Tamarta, Macdanta, Beeraha, Deegaanka, Isbeddelka Magaalooyinka, Isbeddelka Cimilada, Isgaarsiinta, Warfaafinta iyo Arrimaha Qunsuliyadaha.
Turkiga iyo Masar waa laba dal oo miisaan xoogan ku leh Bariga Dhexe iyo Caalamka Islaamka, waxayna wadaagaan xiriir taariikhi ah oo qoto-dheer kaas oo ay labada dhinacba ku taamayaan inay sii xoojiyaan.