Saturday, July 27, 2024

Boqor Charles oo laga dalbaday inuu raaligelin ka bixiyo gumeysigii Kenya

Nairobi (Dawan)- Guddiga Xuquuqda Aadanaha Kenya ayaa ugu baaqay Boqor Charles III inuu raali gelin ka bixiyo xadgudbyadii ay Boqortooyaddii Britain kula kacday dadka Kenya xilligii gumeysiga (1895-1963)

Boqor Charles III iyo xaaskiisa Camilla ayaa la filayaa inay booqasho ku tagaan Kenya laga bilaabo 31 October ilaa 3-da November , waana booqashadiisii ​​ugu horreysay ee isagoo Boqor ah oo uu ku tago dalka Kenya.

Boqortooyadii Britain ayaa awood ku muquunisay kacaankii Mau Mau iyada oo geysatay tacaddiyo ka dhan ah xuquuqda aadanaha oo lagu dilay in ka badan toban kun oo qof muddadii u dhaxeysay 1952 ilaa 1960.

Muddo dheer kadib, dowladda Britain ayaa ogolaatay 2013 inay magdhow siiso in ka badan shan kun oo Kenyan ah, laakiin waxey dadka Kenyaanku ka sugayaan Boqorka inuu raaligelin rasmi ah ka bixiyo xadgudubyadii loo geystay.

Guddiga Xuquuqda Aadanaha ee Kenya, oo ah Guddii madax-bannaan, ayaa yiri: “Waxaan ugu baaqaynaa Boqorka, isagoo ku hadlaya magaca dowladda Britain, inuu ka bixiyo raalligelin aan shuruud lahayn xadgudubkii bini’aadantinimada ka baxsanaa ee muwaadiniinta Kenya lagula kacay. intii u dhaxaysay 1895 iyo 1963 xilligii gumaysiga”.

Guddiga ayaa sidoo kale dalbaday in magdhow laga bixiyo dhammaan dadkii loo geystay xadgudubyada, waxeyna Madaxweynaha Kenya William Ruto usoo jeediyeen in uu mudnaanta siiyo arrimahaan inta uu ku guda jiro kulamada uu la leeyahay Boqorka.

Madaxweyne Ruto ayaa maalinta Talaadada ah ku qaabili doona Boqorka iyo xaaskiisa magaalada caasimadda ah ee Nairobi.

Maalmaha uu Boqorku joogo Kenya, waxa uu kulamo la qaadan doona ganacsatada iyo dhallinyarada, isaga oo booqan doona madxaf cusub oo loogu talagalay taariikhda Kenya, sidoo kalena waxa uu ubax dhigi doonaa qabriga Daljirka Daahsoon ee beerta Uhuru, ee bartamaha caasimadda.

Boqor Charles iyo Camilla ayaa loo qorsheeyay in ay dalxiis ku tagaan magaalada xeebta ah ee Mombasa, si ay usoo arkaan deegaanka leh keymaha dabiiciga ah, waxeyna kula kulmi doonaan wakiilo ka socda hay’adaha diimaha ee Kenya.

Kenya waxa ay si gaar ah xasuus ugu leedahay taariikhda qoyska Boqortooyada, maadaama ay Elizabeth II joogtay Kenya markii uu dhintay aabbaheed, King George VI, kadibna ay ku fadhiisatay Carashiga Boqortooyada Britain.

Share this article

Recent posts

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here